Dortmund Oo Talaabo Horumar Leh U Qaaday Hanashada Horyaalka Ka Dib Markii Ay Tumeen Bayern Munich. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Germany » Dortmund Oo Talaabo Horumar Leh U Qaaday Hanashada Horyaalka Ka Dib Markii Ay Tumeen Bayern Munich.

Dortmund Oo Talaabo Horumar Leh U Qaaday Hanashada Horyaalka Ka Dib Markii Ay Tumeen Bayern Munich.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 11-04-12 11:00 PM

Borusia Dortmund ayaa talaabo horumar leh u qaaday inay difaacato horyaalka Bundesliga ka dib markii ciyaar xiiso badan ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Bayern Munich oo marti ku aheyd Signal Iduna Park.

Ciyaar xamaasadeeda ay ka mid tahay kuwa ugu kacsan ee yurub laga ciyaaro ayaa kooxaha ku tartamaya hanashada horyaalka Bundesliga ay isaga horyimaadeen garoonka Signal Iduna Park kaasoo buuxsamay islamarkaana ay soo xaadireen 78 kun taageerayaal ah.

Ciyaartaan oo aad loo wada sugayay ayaa waxaa tikidhadeeda soo dalbaday sida Dortmund ay sheegtay nus malyuun ruux, lakiin 78daas kun ayuu nasiibkooda noqday inay daawadaan, waxaana sidoo kale ciyaartii caawa laga daawanayay ilaa 200 oo wadan.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo Dortmund ay fursadaha ugu badan heshay, waxaana Bayern badbaadiyay goolhaye Manuel Nueur.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Munich ay ku soo laabatay qaab ciyaareedkeedii hore, balse Borussia Dortmund oo uu u cad yahay inay difaacdaan Bundesliga ayaa hogaanka ku qabatay goolka guusha markii uu cirib ku dhaliyay ciyaaryahan Lewandowski, waxaana uu ahaa goolkiisii labaatanaad ee ciyaaryahanka reer Poland.

Ciyaarta oo afar daqiiqo dhiman ayaa fursadii ugu qaalisaneyd waxaa soo martay Bayern Munich oo ay ku barbareyn kareen ciyaarta, markii gool ku laad loo dhigay Arjen Robben, lakiin rigooradiisaas waxaa qabtay goolhayaha kooxda BVB.

Daqiiqadihii ugu danbeeyay labada kooxoodba waxa ay heleen fursado dahabi ah lakiin ugu danbeyn Borussia Dortmund ayaa guushii afaraad oo isku xigta ka gaartay kooxda Bayern Munich, waxaana ay talaabo hor leh u qaadeen hanashada horyaalka Bundesliga.

Dortmund ayaa haatan waxa ay hogaanka kaga qabatay kooxda Munich lix dhibcood iyadoo afar kulan kaliya uu ka harsan yahay horyaalka xilli ciyaareedkan.

11 Responses to Dortmund Oo Talaabo Horumar Leh U Qaaday Hanashada Horyaalka Ka Dib Markii Ay Tumeen Bayern Munich.

  1. c/llahi germany Reply

    13-April-2012 at 9:45 pm

    horiyaalka waxaa qaa daayo bayern teeda kale real madrid waa laka badinaa markaguuul iyo guul daro naadika wuu u taagan yahay maalin walba in aad badiso maahan waalakaa badinaa w aad badineeysaa bar baro ayaa galeysaa markawaa iskacadi

  2. yuusuf cali Reply

    12-April-2012 at 6:51 pm

    asc waxan ligwalba way kadhacan barca ba waxa kabadisay osasuna lakin realmadrid wa inay kabadisa bayer viva madrid

    • yuusuf cali Reply

      12-April-2012 at 6:54 pm

      bayer wajabtay walina realmadrid aya udhiman wan garacayna viva real ozil,cr7,dimaria

  3. Jarmal Reply

    12-April-2012 at 6:00 pm

    A/c aqyaareey filaartii cirka loo gemey cid walboo filo waaba filaayey Bayern in ay sidaas loo galaayey Dortmund

  4. Jarmal Reply

    12-April-2012 at 5:58 pm

    A/c aqyaareey filaartii cirka loo gemey cid walboo filo waaba filaayey Bayern in ay sidaas loo galaayotee Dortmund Halaga baqo waa halis

  5. xudeyfa syl Reply

    12-April-2012 at 10:40 am

    hhh mesha baseal mala ciyaraya horylkan bayern way ugu dhmaty waxa sandki lbad isku xiga qadaya dortmud

  6. Galaadi city Reply

    12-April-2012 at 1:52 am

    Warkas aya imara bayern wax janisa uma hayo championkana waxa ka horeysa realmadrid.
    Qusta asxaabta

  7. hassan van bersie Reply

    12-April-2012 at 12:31 am

    asc aqayarey salan kadib horaya idankugu shega dotman ina garonkad waxa lga cuni marbo aran saren hadibo lagusodubte bayra ahadn dodamon qadaneso wayo bayar hadbo liskaribay viv labdoski an luksa bariyos kow kow bayar waxa umahayano by by bayar kkkkkkk

  8. Ab ta japaan Reply

    11-April-2012 at 11:42 pm

    Viva dortomon

  9. Yahyetorre Reply

    11-April-2012 at 11:13 pm

    Salaam, haa wax walba way dhicaraan wayna dhecen se waxan odhan lahaa bayer haka fekerto siday ugu badin lahaydun koobka buqurka jarmalka kana haka samirto markan inban ayay qaadayse

  10. Cali naasir Reply

    11-April-2012 at 11:11 pm

    Waa sidi aan ku taamayay in ay munich daaqadda ka baxdo.

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>