Ciyaaryahanka kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa qirtey in uu kala hadlay daafaca kooxda AC Milan Alessandro Nesta inuu ku soo biiro kooxda Juventus xilli ciyaareedka soo socda.
36jirkaan ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda San Siro waxa uu ka dhacayaa xaggaagan waxana jira warar sheegaya in laga yaabo inuu raaco raadkii Pirlo oo uu suuqa xorta ah ugu biiro Juventus.
“Haa, waan kala hadlay arrintaas Nesta, laakiin waxaa jira arrimo shaqsi ah,”ayuu u sheegay kubad qaabeeyahan Sky Sport Italia.
“Waxa uu u ciyaaraa koox weyn,waxana uu u yahay fasax sidii u dooran lahaa go’aanka uu gaarayo. Waana arki doonaa waxa dhaca dhammaadka xilli ciyaaredkan.”ayuu yiri Pirlo.
Ciyaaryahankan ka mid ahaa kooxdii ku guuleysatay koobka adduunka sanadkii 2006dii ayaa 11 jeer oo qura saftay xilli ciyaareedkan Kadib markii uu la kulmay dhaawacyo badan.
Pirlo oo ku biirey Juve xilli ciyaareedkan bilowgiisii ayaa sii shidey doonitaanka ay kooxda Bianconeri ugu jirto horyaalka waxana ay haatan hal dhibic ka sareysaa naadiga AC Milan.
“Mar kale ayaan sare marnay,laakiin waa inaan dadaalnaa,”ayuu yiri kubad sameeyahan isagoo xusay in ay suurtogal tahay inay ku guuleystan Scudettaha xilli ciyaareedkan.
Pirlo ayaa sheegay inaysan marnaba ka fileyn kooxda Milan inay guuldaro kala kulmeyso Fiorentina hase yeeshee taasi waxaay faa’ido u noqotay Juventus.
abdi aziz
11-April-2012 at 4:55 am
asc asxabta dhaman ee ku tixan sportska qasatan tagerayasha 3 nadi real juve reds iyo wepka laacib,net madaxdiisa iyo shaqalaha salan kadib aad ban u so dhaweneynaa imashiyaha lacibka nesta waxaynu le nahay gacmo furan ku so dhawaw wlc viva juve halla madrid you well never worlk alone reds
Naafac
11-April-2012 at 4:12 am
Welcome nesta juve guul waliga viva juventus an arsenal
fiyooro
11-April-2012 at 2:22 am
waaw wa arin farxad leh hado kuso biraayo nesta aad ban uso dhawenenaa anagana in u no imado inkasto waqtigisa ciyaared o siyay ac milano lkn inta waqtigisa ka dhiman ha ku dhamesto juventus by
Mukhtar man utd
11-April-2012 at 12:49 am
Waaaaaaaaw pirlo wa laacib oo milan iska so fasaxday juventus ayaan u rajeenaya inay qaado horyaalka iyo cop italiya lawadaba hadu ilaaha raali ka noqdo sanadka danbana championka wacdaro ayan ka dhigeen viva man utd viva madrid viva juventus and pirlo cade
Cabdi,kafi,wariye,madax,banan,from,south,africa,cape,town,bellville
11-April-2012 at 12:49 am
Id is Wondafull playar pirlo
Khabir
11-April-2012 at 12:41 am
Waaaaaaaaw walacib weyn.birlo hadalkis wa macqul welcome nasta