Weeraryahanka Barcelona David Villa Oo Rajo Ka Qaba In Si Dhaqso Ah U Soo Bogsado | Laacib.net
Home » Maqaal » Weeraryahanka Barcelona David Villa Oo Rajo Ka Qaba In Si Dhaqso Ah U Soo Bogsado

Weeraryahanka Barcelona David Villa Oo Rajo Ka Qaba In Si Dhaqso Ah U Soo Bogsado

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 30-03-12 11:41 PM

Weeraryahanka gooldhaliyaha ah ee kooxda Barcelona iyo xulka Spain David Villa ayaa sheegay in ay dhowdahay waqtiga uu soo reysanayo kadib markii ay lug ka jabtay kulankii Club World Cup ee bishii December tii la soo dhaafay.

Ciyaaryahanka kula guuleystey kooxdiisa horyaalka Yurub iyo xulka dalkiisa koobka adduunka soddonka jirkana ah ayaa kulankii Semifinalka ee ay 4-0 ugaga badiyeen kooxda ka dhisan wadanka Qatar ee Al-Sadd kana dhacay dalka Japan uu jabkan ka soo gaaray.

Kadib markii qalliinkiisii lagu guuleystey ayaa laacibkan haysta rikoorka gool dhalinta xulka dalkiisa Spain loo sheegay in uu ku soo kaban karo muddo lix bilood ah taasoo qiqiil gelin karta inuu safto ciyaaraha Euro 2012 ee dhici doona bisha June ee sanadkan.

“Aad ayaan u wanaagsanahay hadda waxana aan ku jiraa wajigii ugu dambeeyey ee soo kabasadayda, si adag ayaan u shaqeynayaa maalin walba tan iyo markii uu dhibkan igu dhacay,” ayuu u sheegay Villa Spanish FA event.

“Waxaan uga jeedaa iftiin rajo xoog leh ayaan qabaa in aan dib u bilaabi doono inaan ku raaxeysto ciyaarista kubbada cagta mar kale.”

Villa ayaa  dhaliyey 32 goal  76kulan oo uu u saftay Barca tan iyo markii uu ka soo wareegay Valencia bilowgii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Waxana uu u dhaliyey xulka dalkiisa 51gool isagoo ciyaaray 81 kulan waxana uu toddobo gool ka horeeyaa ciyaaryahanka ku soo xiga oo ah Raul oo ay ugu dambeysey inuu u safto xulka qaranka dalkiisa sanadkii 2006dii.

 

 

8 Responses to Weeraryahanka Barcelona David Villa Oo Rajo Ka Qaba In Si Dhaqso Ah U Soo Bogsado

  1. abdullahi Reply

    01-April-2012 at 1:15 am

    asc dhamaan dadka taageeraan barcelona waxaan ku faraxsanahay soo laaba shada David Villa in shaa alaah waxaan filayaa abidal xitaa inuu soo boqsado misa soo fiic naadio mar dhow in shaa alaah

  2. Mahad napoli Reply

    31-March-2012 at 10:54 am

    Well come back david villa as so soon you can’t barca mises you viva leo messi viva sergio aguero viva edison cavani

  3. Abdalla Reply

    31-March-2012 at 10:27 am

    Asc wan idin salamey dhamaan faniska barcelona iyo dadka kalaba waxan kufaraxsanahay solaba shada devid villa

  4. Xasandheg Reply

    31-March-2012 at 9:59 am

    Euro2012 hadu dhamado iyo xiliciyaredkanba iskasolabo realna ay arursato cupabkan odhan kkkk solabashawacn

  5. abdikadir Reply

    31-March-2012 at 8:35 am

    villa aad baa loo tebay dhanka Barca , Spein kama maaranto , waayo waa gool dhaliyaha kowaad ee xulka spein

  6. somali boy Reply

    31-March-2012 at 2:40 am

    asc waan idin salamay waxan ka xuuumahay David villa uu ka fadeya milan iyo barca iam sorre fifa david villa fifa messi fifa barcelona ybybybbbbbbbbbbbbbbbbbbyyyyyyyyyyyyyyyy

  7. Kulmiye Reply

    31-March-2012 at 1:26 am

    Come om villa wankusugeynaa

  8. cadeey Reply

    31-March-2012 at 12:55 am

    aad ayan ugu faraxsanhay so kabashada ciyar yahanka da da yar waxana u rajenaa cafimad haaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>