Waa Jimce Maanta, Waa Barnaamijkii Su’aalaha Ee Barbaarta Isboortiga Iyo Shabakada Laacib.net. | Laacib.net
Home » Soomaaliya » Waa Jimce Maanta, Waa Barnaamijkii Su’aalaha Ee Barbaarta Isboortiga Iyo Shabakada Laacib.net.

Waa Jimce Maanta, Waa Barnaamijkii Su’aalaha Ee Barbaarta Isboortiga Iyo Shabakada Laacib.net.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 30-03-12 5:43 AM

Jimce wanaagsan akhristayaasha sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan waa barnaamijkeenii Barbaarta Isboortiga Iyo Shabakada Laacib.net oo ah barnaamij su’aalo oo akhristayaasheena ay ku tartamaan.

Barnaamijkaan waxa uu ku jiraa sannadkiisii ugu horeeyay waxaana uu soo dhamaanayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, akhristaha ugu dhibco bata waxa uu heli doonaa abaalmarin, waxaana uu noqon doonaa xiddiga sannadka ee Barbaarta Isboortiga ee Laacib.net

Hadaba todobaadkii hore su’aashii aan idiin weydiinay, waxaan jawaabteeda iyo kala sareynta dhibcaha ee akhristayaasha idiin soo gudbinay maalintii arbacada.

Su’aasha todobaadkan waxa ay ka kooban tahay labo qeybood A iyo B waana inaad dhamaantood kawada jawaabtaa si aad u hesho labada dhibcood ee buuxda:

A- Tan iyo intii si rasmi ah loo bilaabay qiimeynta bilaha ee xulalka kubada cagta adduunka ee FIFA 1992kii waxaad sheegtaa xulka Soomaaliya bishii uu gaaray meeshii ugu sareysay iyo sannadkii ay aheyd iyo kaalinta ay Soomaliya ka soo gashay qiimeynta bilaha ee FIFA waagaas?

B- Waxaad sheegtaa xiriirka kubada cagta Soomaliya sannadkii uu ku biiray xiriirka kubada cagta adduunka FIFA, iyo xilligii uu ku biiray xiriirka kubada cagta Afrika CAF iyo xilligii sida rasmiga ahaa loo aasaasay xiriirka kubada cagta Soomaliya?

Nasiib Wacan!!! 

*Codsi inooga yimid ka qeyb galayaasha darteed waxaan dheereynay mudadii looga soo jawaabi lahaa su’aasha todobaadka, waxaana ka qeyb galayaasha ay heystaan ilaa 12ka duhurnimo maalinta sabtida oo berri ah, wixii xiligaasi ka danbeeya jawaabtii ina soo gaarta ma aqbali doono.

Jawaabta su’aashan waxaad inoogu soo dirtaa emailka: jawaab@laacib.net.

Fadlan jawaabta su’aalahan haku qorin qeybta fekradaha ee laacib.net, sidoo kale waxaan jeclaan laheyn inay ogaadaan akhristayaasheena ka qeyb qaadanaya barnaamijkaan in sharcigiisa uu yara adag yahay.

1- Jawaab uu magac ka maqan yahay ma xisaabi doono, xitaa hadii jawaabta ay saxan tahay, magacaaga waa qeyb ka mid ah jawaabta fadlan soo raaci marka aad jawaabta inoo soo direyso, ku soo dhex qor emailka aad jawaabta ku soo direyso.

2- Magaca aan ku diiwangelinay ha bedbedelin, hadii kale dhibcahaaga la isaguma kaa dari doono, magacii aan markii hore ku diiwangelinay markasta jawaabta ku soo dir.

3- Hadii aad qalado qeyb ka mid ah su’aasha habayaraatee wax dhibic ah ma lihid, waa inaad jawaabta wada saxdaa oo labo dhibcood heshaa ama hadii kale wax dhibic ah ma heleysid.

4- Hal mar kaliya jawaabta inoo soo dir, hadii aad ku celceliso oo jawaabo kala gedisan aad nasiiso markaas waxba kuuma xisaabi doono xitaa hadii mid ka mid ah jawaabaha aad noo soo dirtay ay sax yihiin.

5- Fadlan hadii aad qabto wax su’’aal ah ama cabasho ah emailkeenu waa jawaab@laacib.net halkaas inoogu soo dir inaga ayaa dhaqsi kuu soo jawaabeyna kuna qancin doona.

6- Ka jaawabida su’aasha isbuuca waxa ay ku egtahay 12ka duhurnimo maalinta sabtida.

Balanteenu waa arbacada iyo jawaabta su’aasha todobaadkan iyo sida ay u kala sareyaan ka qeybgalayaasha Barbaarta Isboortiga Ee laacib.net