Home » Europa League » Fernando Torres Oo Boos Ka Heli Waayay Xulka Spain Ee Arbacada La Ciyaaraya Venezuela.

Fernando Torres Oo Boos Ka Heli Waayay Xulka Spain Ee Arbacada La Ciyaaraya Venezuela.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 24-February-2012

Tababaraha xulka Spain Vicente del Bosque ayaa ka tagay weeraryahanka Chelsea Fernando Torres marka xulka dalkiisa uu arbacada ciyaar saaxiibtinimo Malaga kula ciyaarayo xulka Venezuela.

Spain oo xagaaga difaacan doonta koobka Euro ayaa arbacada waxa ay la ciyaareysa xulka Koonfur America ka dhisan, waxaana Torres uu ku guuldareystay inuu qeyb ka noqdo xulka 23ka ciyaaryahan ee uu magacaabay tababare del Bosque.

Del Bosque ayaa sheegay inuu doonayo inuu abaalmariyo ciyaartoyda sida fiican u ciyaareysa. Torres ayaa muddo sannad ah uu qaab ciyaareedkiisa yahay mid aad u liita.

“Waa wiil aan inbadan jecelnahay, xanuun ayayna igu heysaa inaan ka soo tago, lakiin waxaan doonayaa inaan cadaalad sameeyo” ayuu Del Bosque ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Torres ayaa waqti aad u xun uu soo maray tan iyo markii uu sannad ka hor 50 milyan ginni kaga soo tagay Liverpool kuna biiray kooxda Chelsea.

Waxa uu dhaliyay kaliya hal gool 18 kulan oo uu Chelsea u saftay xilli ciyaareedkii hore, xilli ciyaareedkana weli waa ay ka jiiftaa.

29 kulan oo uu xilli ciyaareedkan ciyaaray afar gool ayuu dhaliyay, wax gool ahna ma dhalin tan iyo 19kii October ee sannadkii hore.

Markiisii ugu danbeysay ee uu gool ka dhaliyo Premier League waxa ay aheyd 24kii September markaasoo uu gool ka dhaliyay Swansea, waxaana daqiiqado ka dib uu qaatay casaan.

Torres ayaa haatan ka dhumay qaabkii cabsida lahaa ee lagu yaqiinay markii uu joogay Liverpool iyo Atletico Madrid.

Markii ugu danbeysay ee uu xulka Spain gool u dhaliyo waxa ay aheyd September 2010.

Weeraryahanka Valencia Roberto Soldado iyo kan Athletic Bilabo Iker Munian ayaa labadoodaba lagu soo daray xulka Spain, iyadoo ciyaaryahanka ugu goolasha badan Spain David Villa uu dhaawac ku maqan yahay.

Xulka Oo Dhameystiran:

Magaca Kooxda
Goolhaye:
Iker Casillas Real Madrid
Victor Valdes Barcelona
Jose Reina Liverpool
Daafac:
Alvaro Arbeloa Real Madrid
Sergio Ramos Real Madrid
Carles Puyol Barcelona
Gerard Pique Barcelona
Andoni Iraola Athletic Bilbao
Javi Martinez Athletic Bilbao
Jordi Alba Valencia
Khad Dhexe:
Xavi Barcelona
Andres Iniesta Barcelona
Cesc Fabregas Barcelona
Sergio Busquets Barcelona
Thiago Alcantara Barcelona
Xabi Alonso Real Madrid
David Silva Manchester City
Santiago Cazorla Malaga
Jesus Navas Sevilla
Juan Mata Chelsea
Weerar:
Iker Muniain Athletic Bilbao
Roberto Soldado Valencia
Fernando Llorente Athletic Bilbao
Alvaro Negredo Sevilla

 

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.