Kabtan Francesco Totti Oo U Furan Inuu Ku Soo Laabto Xulka Italy OO Uu U Ciyaaro Koobka Euro 2012. | Laacib.net
Home » Euro 2012 » Kabtan Francesco Totti Oo U Furan Inuu Ku Soo Laabto Xulka Italy OO Uu U Ciyaaro Koobka Euro 2012.

Kabtan Francesco Totti Oo U Furan Inuu Ku Soo Laabto Xulka Italy OO Uu U Ciyaaro Koobka Euro 2012.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 24-01-12 9:59 AM

Kabtanka kooxda Roma Francesco Totti ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu mar kale u ciyaaro xulka qaranka Talyaaniga.

Tababaraha xulka Azzurri Cesare Prandelli ayaa dhaawan sheegay inuu qiimeyn doono xaalada 35 jirkaasi hadii uu boos uga helayo Euro 2012, waa hadii caafimaad ahaan uu taam yahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Xulka qaranka? Marnaba maya ha oran” ayuu Totti u sheegay ANSA.

“Aan aragno sida aan ahay bisha May”

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in Prandelli uu weli iga fekerayo, sababtoo ah xiriir fiican ayaan la leeyahay”

“Wax fiican ayaa la iigaga sheegay tababare ahaan, shaqo fiican ayuuna ka qabtay xulka qaranka”

Totti ayaan u ciyaarin xulka qaranka tan iyo finalkii koobkii aduunka ee 2006dii oo ay Azzurri ku guuleysatay.

13 Aragtiyadood ayaa laga bixiyay: Kabtan Francesco Totti Oo U Furan Inuu Ku Soo Laabto Xulka Italy OO Uu U Ciyaaro Koobka Euro 2012.

  1. Day&Night team

    24-01-2012 at 8:02 pm

    Totti wxba kuma sookor dhinayo Italy e wx ha’uqabto Roma kobkaana wx iska leh Netherland guul 4 ever.SNEijer,VAN PERSIE GUUL

  2. maxmed xuseen

    24-01-2012 at 5:52 pm

    Qabiir totti waa ciyaariyanka ugu fiican kubadda italia laga ciyaaro maxaa yeelay waa nin qiyaano badan baas fiican. Lakiin wuu dhaawac badan yahay. Hadii uu taam noqdo bisha may italia wey qaadeysaa uraha. Viva moalimuu totti. Golden boy of italia 2002

  3. Dhuxulow viv arsenal

    24-01-2012 at 1:49 pm

    Waxan halkan ka salamaya dhaman tagerayasha azzuru waaaw kabtanka koxda as roma hadu ku so labto xulka azzuru runti kobka qaramada yurub cid ka hor istagi kardo malahan azzuru wana arin an ku farxay hadan ahay tagero azzuru kuso labashada laacibka as roma macalimu totti viva r.v.p

  4. Bile hersi

    24-01-2012 at 1:19 pm

    Asc bahda laacib waan idiinka mahahad celinaayaa hoowsha bulshada u heeysaan tankale tott aad ayaay u fiicantahay inuu markale ku soolabto italy fiiri roma markuu kamaqanyahay gulaheda mabadna

  5. Mr'kaatibi

    24-01-2012 at 12:38 pm

    Waa arin farxad leh balse muhiimadu waa inuusan dhawacmin 5bilood ee ka dhiman ciyaarahaas El capitano waa la arki doonaa mucjisaduu ka dhigo ciyaarahaas isakoo u aqliyeen doona da’yarta rossi boloteli nacorino abate aquilani pazzini caivinco balsareti bunnucho barzacli way way cassano montalivo ranochio wax lasoo koobi karo miyaa hee FORZO ITALY

  6. Yaasiin Cabdi Ciise "ugaaska"

    24-01-2012 at 12:11 pm

    Totti waa laacibinta xulka magaca kulaha ayuu kujira waxan rajaynaya haduu totti xulka dib ugu soo laabto waxaan rajaynaya in italy eurada ay natiijo fiican ka gaadhi karan

  7. Axmed hagar

    24-01-2012 at 11:10 am

    Asc dhamman bahda laacib iyo inta jcl sportiga haddii aan nahay taageerayaasha xulka ugu guuleysiga badan koobka adduunka xulalka yurub ee talyaaniga tottina waa ninkii gacanta ugaliyay koobka aduunka 2006da tan iyo markii uu xulka kaharay waa la ogaa waxi ku dhacay xulka talyaniga koobkii adduunka ee 2010 marka totti waa nin loobaahanyahay ayan leenahay b…………………y

  8. Qaasim Totti

    24-01-2012 at 10:35 am

    IlcapitaNo MacaLimuu Totti Mid kamid ah Laaciibiintii ugu fiicnaaa Ee Taariikhada Kubada cagta TaLyaaniga soo Maray Runtiii Totti Waxaa u ahaaaaa JaceyL weyn Iyo taaageero weyn Waana Ku farxi Lahaa haduu Kamid Noqon Lahaaa Jamaaahiirta XuLka Azzurri Uu Lasoo shirtagi Dooono Kooobka Uero2012 Waxaana Rajaynaa inuu cafimaad ahaan Taaam Noqdo:……NO TOTTI NO BARTITO VIVA TOTTI CADE FORZA SEMPERI MACALIMUU Totti Cade

  9. Ahmed Faarah Salaad British

    24-01-2012 at 10:23 am

    waa nin astaahila in dib loogu yeero awlba xushmad ayuu uga tagay xulka uu u haayo Dhalinyarta soo koreysa si uu fursad u siiyo hadana markii uu TOTTI xulku waayey waxaa laga dareemay Hoos u dhac Baahsan marka hadii uu dib ugu laabto waxan is leeyahay waxa uu meesha ka saari Doonaa Qirad la’aanta ka heysata Dhanka weerarka Xulka Azzurri
    waan soo dhaweynayaa hadii Kabtankeena dib loogu yeero

  10. asad de young

    24-01-2012 at 10:18 am

    waan so dhoweyneena kuLABASHADA totti fifa totti fifa itlay

  11. Asad mahamed

    24-01-2012 at 10:15 am

    Totti hade helan nasim aye leyihi

  12. Deeq nani

    24-01-2012 at 10:12 am

    Toti viva italiya

  13. ismaciil

    24-01-2012 at 10:09 am

    waan soo dhaweynayaa ku laabashada uu ku laabanayaa kaftan totti waxan leyahay wax badan ayuu ku soo kordhin karaa xulka italy totti waa nin farsamo ahaan aad u fiican