Home » Suuqa » Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Ka Qoreen Wargeysyada Yurub.

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Ka Qoreen Wargeysyada Yurub.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 23-January-2012

Maalin wanaagsan akhristayaasheena qiimaha iyo qaayaha leh meel kasta oo aad dunida ka joogto waa mar kale iyo barnaamijkeenii Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda oo aad maalin walba inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kala socotaan shabakada ciyaaraha laacib.net.

Barnaamijkaan waxaan ku soo qaadanaa wararka xanta ah ee ay wargeysyada ugu waa weyn qaarada yurub ay ka qoraan suuqa kala iibsiga.

Wararka ku qoran halkaan waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net mas’uul kama ahan xaqiiq ahaanshahooda.

Aan ku bilowno:

ENGLAND:

Kooxda Chelsea ayaa loo sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Shakhtar Donetsk ee reer Brazil Willian oo 23 jir ah oo ay ku dalbadeen 20 milyan ginni inuu haatan diyaar ku yahay lacag gaareysa 28 milyan ginni. Sidaasi waxaa daabacday jariirada Daily Mail.

Tottenham ayaa qandaraaska u kordhisay weeraryahanka reer Russia Roman Pavlyuchenko, waxaana 30 jirkaasi uu kooxda la sii joogi karaa ilaa 2013, lakiin Spurs ayaa weli uu suuqa u saaran yahay oo iska iibin karta hadii ay helaan koox dooneysa. Sidaasi waxaa daabacday wargeyska The Times.

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay iny gasho tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Brazil Leandro Damiao oo 22 jir ah, xagaagii hore waxaa ciyaaryahankan 15 milyan ginni ku dalbatay kooxda Tottenham, lakiin kooxdiisa Internacional waxa ku qiimeysaa 24 milyan ginni. Sidaasi waxaa daabacday Daily Mail.

Dalabkii QPR ee ciyaaryahanka Manchester City Nedum Onuaha oo uu tababaraha cusub Mark Hughes rajeynayay in todobaadkan la soo ajaro ayaa xaaladiisa ay noqotay mid cakiran ka dib markii Everton ay soo gashay xiisaha ciyaaryahanka. Sidaasi waxaa qortay Merto.

Wakiilka ciyaaryahan Dimitar Berbatov ayaa meesha ka saaray in ciyaaryahanka reer Bulgaria inuu ka tagayo garoonka Old Trafford, xilli lala xiriirinayay kooxaha Bayern Munich, Leverkusen iyo Anzhi Makhchkala. Sidaasi waxa daabacday The Times.

Weeraryahanka kooxda Catania Maxi Lopez ayaa iska diiday inuu si amaah ah ugu biiro kooxda AC Milan, si uu si joogta ah ugu wareego kooxda Fulham oo 7 milyan ginni ku iibsaneysa. Sidaasi waxaa qortay The Times.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa sharaxaad ka bixiyay in mushaharka weyn ee ciyaaryahan Carlos Tevez ay haatan tahay caqabada hortaagan inuu ka soo tago Manchester City. Sidaasi waxaa daabacday The Times.

Kooxda Manchester City ayaa diiday dalabyo ka yimid kooxaha Juventus iyo Galatasaray oo ku doonayeen ciyaaryahanka reer Holland ee khadka dhexe Nigel De Jong, kaasoo dhawaan diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Man City sababo la xiriira dalabkiisa mushaharka. Sidaasi waxaa daabacday jariirada Daily Mail.

Ka dib kulankii shalay waxaa soo baxaya warar la isla dhexmarayo in xilli ciyaareedkan uu noqon karo kii ugu danbeeyay ee tababare Arsene Wenger, ka dib markii la arki karay Robin van Persie oo dhahaya “Oh! No” markii Arshavin uu bedel ku soo galayay. Sidaasi waxaa qortay Daily Express.

Tababaraha kooxda Liverpool Kenny Dalglish ayaa isku dayaya inuu la soo wareego ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara ee kooxda Rangers Nikica Jelavic. Ciyaaryahanka reer Craotia oo 26 jir ah ayaa aabihiis waxa uu dhawaan sheegay in wiilkiisa uu doonayo inuu u ciyaaro kooxda Reds. Sidaasi waxaa qortay The Sun.

Daafaca Chris Samba ayaa u muuqda mid ku biiraya kooxaha Tottenham ama QPR midkood, ka dib markii lagu amray inuu tababar la qaato kooxda Juunyeerka ee Ewood Park. Sidaasi waxaa qortay The Times.

ITALY:

Kooxda AC Milan ayaa maanta la filayaa inay wadahadalo rasmi ah la yeeshaan kooxda Catania oo ku aadan doonista ciyaaryahankooda weerarka ka ciyaara Maxi Lopez, waxaana Milan ay dooneysaa inay amaah kula soo wareegto ciyaaryahanka si ay ugu daboosha maqnaanshaha ciyaaryahan Antonio Cassano. Sidaasi waxaa qortay Football Italia.

Kooxda Lazio ayaa ku dhow inay la soo wareegto ciyaaryahanka reer Japan ee kooxda CSKA Moscow Keisuke Honda, waxaana ay sidoo kale doonayaan ciyaaryahanka aan booska ka heysan kooxda Juventus Milos Krasic. Sidaasi waxaa qortay Sky Sport Italia.

Kooxda Inter Milan ayaa xaqiijisay in ciyaaryahanka da’da yar ee ay bishaan la soo wareegeen Juan Jesus inuu amaah ugu ciyaarayo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kooxda Novara. Sidaasi waxaa lagu sheegay websiteka kooxda Inter

Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte ayaa filanaya inuu kooxdiisa ku heysan doono 24ka saacadood ee soo socda midkood ciyaaryahanada kooxaha FC Porto iyo Sevilla Guarin ama Cacares oo in muddo ah lala xiriirinayay kooxda Bianconeri. Sidaasi waxaa qortay La Gazzetta dello Sport.

SPAIN:

Wararka ka soo baxaya Spain aya sheegay in kooxda Real Madrid ay diyaar u tahay inay iska iibiso ciyaaryahan Pepe, ka dib markii uu ka noqday Spain nin aan laga jecleyn, madaama aan bishaan Janaayo la iibin Karin waxa ay qorsheynayaan inay iska iibiyaan xagaaga soo socda. Sidaasi waxaa qortay wargeyska Elmundo Deportivo.

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Barcelona Javier Faus ayaa sheegay inay sugayaan go’aanka Pep Guardiola uu heshiiska ugu kordhinayo kooxda todobaadyada soo socda islamarkaana ay ka filnayaan inuu aqbalo hindisahooda. Sidaasi waxaa qortay jariirada Sport.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Sevilla Luis Fabiano ayaa waxa isha la raaceysa kooxda Villarreal, waxana ay doonayaan inay la soo wareegaan waa hadii Nilmar uu ka tago kooxda. Sidaasi waxaa qortay AS.