
Weeraryahanka kooxda Roma Francesco Totti ayaa bilowgiiba ka dhaliyey labo gool kooxda Cesena kulankii sabtidii ka dhacay garoonka Stadio Olimpico waxana uu jebiyey rikoor uu hore u dhigey weeraryahankii AC Milan Gunnar Nordahl waxana uu noqday ciyaaryahankii hal koox u dhaliya goolasha ugu badan horyaalka Talyaaniga.
Goolasha Totti oo yimid siddeedii daqiiqo ee ugu horeysey ciyaarta iyadoo kooxda Rome ay ku badisey 5-2, ayaa goolashaasi ay noqdeen kuwii 210aad iyo kii 211aad ee uu dhaliyo Totti.
Rikoorkii hore ugu yiil Nordahi oo uu la sameeyey kooxda Milan waxa aan la jebin in ka badan nus qarni ilaa iyo goolkii labaad ee uu dhaliyey Totti sabtidii la soo dhaafay.
Kabtanka kooxda Roma ayaa markii ugu horeysey waxa uu u saftay naadiga Giallorossi sanadkii 1993dii ayaa kabadan laacibkii hore ee AC Milan ee reer Sweden inkabadan 229 gool, hase yeeshee rikoorka wuu jebiyey Totti iyadoon loo eegin kulamadii uu saftay.
Laacibkii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ayaaka soo kabtay dhaawacyo soo gaaray dhowaanahan isagoo 35 jir ah ayaa waxaa weli ugaga harsan heshiiska uu kula joogo naadiga Roma saddex sano iyo bar, waxayna taasi ka dhigeysaa inuu sii xirnaan doono maaliyada No.10.
Il Capitano waxa uu u saftay ciyaartiisii ugu horeysey 28march 1993 waxaase uu dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey dhowr toddobaad kadib kulan ay Rome la yeelatay Olimpico iyadoo barbarro 1-1 ku dhamaatay kulankaas furitaankii xilli ciyaareedkii 1994-1995.
Totti ayaa ku guuleystey xilli ciyaareedkii 2006-07 markii uu dhaliyey 26 gool abaalmarinta Golden Shoe waayo wuxuu noqday gooldhaliyihii ugu badnaa qaarada Yurub.
Xilli ciyaareedkan ayaa waxaa jirey warar la isla dhex maraayay oo sheegayay mustaqbalka Totti iyadoo ciyaaro badan uusan u safin tababaraha cusub ee Rome Luis Enrique, hase yeeshee labadii gool ee uu ka dhaliyey kooxda Chievo iyo goolashii sabtida ayaa waxaa ay dad badan rumeeysteen in Totti uu weli leeyahay mustaqbal dhinaca ciyaaraha ah.
Ahmed Faarah Salaad British
23-01-2012 at 10:53 am
Mucalimu TOTTI waa laacibkeena lamana fasaxi doono waayo ma nasoo marin laacib la tayo eg ama gaara waa laacib dhameystiran waxaan u rajeynaa inuu noqdo laacib aan laga hilmaamin Stadio Olimpico wayo wuxuu sameeyey Record waa laacib ka ugu goolasha badan Rome Uguna Goolasha badan Italy ee Hal naadi u safta
Qanciye
23-01-2012 at 9:33 am
Macalimuu totti waa nin wey abaag
Abdulada elmalas
23-01-2012 at 8:59 am
Asc dhaman bahda sportska .Totti waA ciyaryahan aad u fcn aana jeclahay ciyartisa
Sugaalyare as roma
23-01-2012 at 6:42 am
Totti muhim ayu noyahey hadanahey koxda casimada chalo rozi mahadsinidin
Qaasim Totti
22-01-2012 at 11:58 pm
Ilove U 4 ever francesco MacaLimuu totti
Mr'kaatibi
22-01-2012 at 10:31 pm
Aad iyo aad waa khabiir dhanka gool dhalinta ah
Qalbdi dajiye
22-01-2012 at 7:00 pm
Asc dhaman bahda laacib.net sln kadib hadan fakar kayga kahadlo totti wa ciyariyahan mustaqbal kuleh kubada cagta
wardhiigley boys
22-01-2012 at 5:15 pm
Waa laacib weyn totti viva totti viva roma