Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee El Clasico Ee Kooxaha Real Madrid vs Barcelona. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee El Clasico Ee Kooxaha Real Madrid vs Barcelona.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee El Clasico Ee Kooxaha Real Madrid vs Barcelona.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 18-01-12 3:26 PM

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Real Madrid ayaa ku soo darsatay kooxdeeda caawa ciyaaryahan Angel di Maria inkastoo uu dhawaan la tacaalayay dhaawac, daafaca Alvaro Arbeloa ayaa ku maqan ganaax, waxaana Jose Mourinho ay tahay inuu kala go’aansado hadii uu daafaca midig u dhaqaajinayo Sergio Ramos ama uu keenayo Fabio Coentrao.

Sami Khedira ayaa kulankaan ku seegaya dhaawac uu canqowga ka qabo, halka Pep e uu isna dhaawac la dhibtoonayay balse waxaa la filayaa inuu ciyaari doono caawa.

Barcelona ayaa waxaa ka maqan weeraryahankooda Pedro ka dib markii dhaawac uu ka soo gaaray kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Osasuna todobaadkii hore.

Waxa uu dhaawaca kula biirayaa David Villa iyo Ibrahim Afellay, halka Seydou Keita uu ku maqan yahay koobka qaramada Afrika oo uu xulkiisa Mali ka qeyb qaadanayo. Pep Guardiola ayaa sii sheegay in Jose Pinto uu noqon doono goolhayaha caawa ee kulankaan Copa del Rey.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

REAL MADRID: (4-2-3-1) Casillas; Coentrao, Ramos, Pepe, Marcelo; Xabi Alonso, Diarra; Callejon, Ozil, Ronaldo; Benzema

 

BARCELONA: (4-3-3) Pinto; Alves, Puyol, Pique, Abidal; Xavi, Busquets, Iniesta; Messi, Cesc, Sanchez

 

MA OGTAHAY?
  • Real Madrid waxa ay badisay kaliya hal kulan 12kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay la kulmaan kooxda reer Catalan, sideed jeer waa laga badiyay seddex jeerna barbaro ayay galeen.
  • Guuldaradii ka soo gaartay Barcelona bishii hore, Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee taariikhda El Clasico, waxa uu shabaqa soo taabtay 23 ilbiriqsi markii ay ciyaarta socotay.
  • Madrid ayaa difaacaneysa koobka Copa del Rey, ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen Barcelona xilli ciyaareedkii hore, Ronaldo ayaa dhaliyay goolka guusha.
  • Barcelona ayaa gool looga hormaray ka timid oo seddex ugu bedeshay kulankii La Liga ee bishii hore, Alexis Sanchez, Xavi iyo Cesc Fabregas ayaa goolasha u dhaliyay.
  • Guushaan waxa ay aheyd markii ugu horeysay ee lix kulan oo uusan Lionel Messi gool ku dhalinin Santiago Bernabeu.
  • Kulanka labada kooxood u dhaxeeya waxaa uu yahay kulankii 9aad ee El Clasico ee muddo sannad ah.

SAADAASHA AKHRISTAYAASHA:

971 ruux ayaa ka qeyb qaadatay codbixinteena ku aadaneyd saadaasha kulanka lugta hore ee Copa del Rey ee ay caawa Santiago Bernabeu ku ciyaarayaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Inta badan akhristayaasheena waxa ay sadaaliyeen in Real Madrid ay badin doonto, iyadoo boqolkiiba konton (50% ) ay yiraahdeen guusha waxa ay raaci doontaa Los Blancos.

Boqolkiiba afartan iyo lix (46%) ayaa iyagana waxa ay sadaaliyeen in Barcelona ay guusha raaci doonto, halka boqolkiiba afar (4%) ay yiraahdeen kulanka caawa waxa uu ku dhamaan doonaa barbaro.

Waxaa haray fekerkaaga, inoo sheeg sadaashaada?

233 Responses to Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee El Clasico Ee Kooxaha Real Madrid vs Barcelona.

  1. badgal Reply

    19-January-2012 at 12:36 am

    caawo waxaa badinaayo real madrid 6

  2. badgal Reply

    19-January-2012 at 12:35 am

    caawo waxaa badinaayo real madrid

  3. Cabdinasir blc Reply

    19-January-2012 at 12:19 am

    Waan idin salamay asxabta laacib waxaa ay ilatay aniga fikradayda inay lahoyan doonan guul daro barka wasababo waa lafahmay ciyartooda so sory

  4. Shirey ismaaciil shirey.bb Reply

    19-January-2012 at 12:11 am

    Asc barcelona aya badineysa rel vs barca 1-2 sanches xavi

  5. Moha Ibnu Moha (wad maan utd) Reply

    18-January-2012 at 11:54 pm

    Caawana guusha madrid ayaa kuleh thanx laacib.net

  6. Maxamed Reply

    18-January-2012 at 11:54 pm

    Walaal cawa ciyarta live miya halkesa kasogale

  7. Moha Ibnu Moha (wad maan utd) Reply

    18-January-2012 at 11:53 pm

    Viva real madrid

  8. C.ali Reply

    18-January-2012 at 11:48 pm

    Asc tageraya sha barca waxan usada in aan ka badi sicda da aged in ay ku badeso barc 5:0 real madrid 2mesi 1indsta 1alxs 1sesc by

  9. Kadiru Reply

    18-January-2012 at 11:41 pm

    A.a akhrisatad dhaman cawa waxay gushu raci rael madrid 3 barca na 0

  10. qadaas Reply

    18-January-2012 at 11:41 pm

    waxan idin mooday dad wanagsan lkn waxa gacanta ku haya wargayska dad u dhaqma habtagere waliwa ah tagere realmadrid maxaa keenaya inad gudbinweysaan fekradahayga ku adanaa awoodarida real iyo awoda ay ledahay barca koley waxad waxad iishegten inad ujanjertaan 1team waxan huwaa hadan aflagaado ugeysan lahaa waad soo mandhigi laheedeen macal asaf lkn ma dhicin ee xaqiiqda sheega pls

  11. saed Reply

    18-January-2012 at 11:40 pm

    waxna wa sadaal waxna wa wax cad marka an ka hadlo sadaashayda waxan huba 95% in ay guulaysan barca . markan is iraahdo waxa badin madriid dameerka aya diidin . waan jeclahay in ay badiso madrid lkn waxan aaminsanay inta kaka kaydka ku jiro in uusan ku farxay murinho guul . hadana waxad arkaysa biloga ciyaarta madrid o kuli naxsan iyo barca o faraxsan . misse iyo xavi aya dhalin goolasha guusha . ronaldo waxay ku noqon waji gabax

  12. mustaf narazzurri Reply

    18-January-2012 at 11:33 pm

    Guuuuuuuuuuuuuuuuul real madrid ayaa ku leh

  13. Yonis for Reply

    18-January-2012 at 11:31 pm

    Barcelone3 Real0 i’m sur morinho must go if real want to win

  14. Luis garcia Reply

    18-January-2012 at 11:30 pm

    Asc. Dhamaan inta jecel sportska waxan ushegilaha in koxda barcelona ay kabadin donto real madrid barejo wax ladho majirto maxa yelay koxda barca ciyariyahan walbo o lakeeno waxa lo daara tariiqihi hore ee realmadrid si u isbirid ula ciyaaro melwalbana ku dilo garomada xata maukala laha,,,sida ula socda tagero real,,,

  15. Stevanka Reply

    18-January-2012 at 11:22 pm

    Barka ayaa badinesa barka 3 vr 1 real

  16. we love u th'henry wlcm home Reply

    18-January-2012 at 11:18 pm

    Barca will win

  17. axmed soker Reply

    18-January-2012 at 11:11 pm

    Asc dhamaan asxabta laacib hadii aan kaahadlo figirkeyga caawa waxa badinaya xidigaha uu hogaamiyo tawabara jose-morinho

  18. xasan Reply

    18-January-2012 at 11:10 pm

    caawo waxay u egtahay in ay real ay badindoonta kulanka caawa

  19. Aliko Reply

    18-January-2012 at 11:06 pm

    Gusha waxay racaysa r.madrid r.madrid 4 barca 0 barca cida aya afka lo galinaya

  20. xuseen xaji cali Reply

    18-January-2012 at 11:06 pm

    asc ceeb beel sxb real isdifaaca yaana idinla garaacin sanoodhinkaan xaaraan ayaan idinku heysanaahee wax ma isku heysaan misa hal gool intaad ku hormartaan ayaa nadaawaneysiin inta ciyaarta kadhiman sidaan idinkuugu ciyaareyno woooooooooow barce

  21. Abdifitah mooge Reply

    18-January-2012 at 11:06 pm

    Asc dhaman aqristayasha laacib.Net aniga waxan leyahay real madrid ayaa badineso cawa barcinola waa lakufsanayaa kakakakakakaka maxan u qabankaraa hee waa ka xumahay

  22. G-unit Reply

    18-January-2012 at 11:03 pm

    Waxaan urajeey nayaa real madrid in eey badin neeyso vive real

  23. maxamad Reply

    18-January-2012 at 10:49 pm

    asc dhamaan dadweynaha aqrista laacib .net waxan leyahay cawaa waxeyraace guusha real madrid r.madrid 5 0 barcelona ceeb aya dhaceyso cawada barca waa ka xumahay by by

  24. Kheeyre Reply

    18-January-2012 at 10:45 pm

    Real madrid ayaa badin doonto ronaldo ayaa dhalin doono

  25. Maxamed Reply

    18-January-2012 at 10:26 pm

    Waxaa badineysa caawa real madrid si xaraga leh oo ay ku jirto fifa real madrid caaaaaawa

  26. abdirisaaq Reply

    18-January-2012 at 10:19 pm

    waxaa badinaysa real wacay

  27. anas Reply

    18-January-2012 at 10:12 pm

    kkk war wlhi waad izwalayzaane barcelona ayaa badinayza
    real madrid wa laga badinayaa

  28. jaaji Reply

    18-January-2012 at 10:01 pm

    waxan umalay nayaa in ay caawa ceeb xun karaacidoon to santiyaaga barnabu barcelona ceeb ah Real 8 0 barcelona

  29. adesh yare Reply

    18-January-2012 at 10:01 pm

    aniga waxey ila tahay inay gusha cawada raci donto koxda real madri real 3 1barca fifa real c.ronaldo hatrick

  30. xasan abshir wasac Reply

    18-January-2012 at 10:01 pm

    dhaman tagerayasha barca waxan idin rajena guul wacan

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>