
Kooxda Comced
Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa ka duwaneyd ciyaarihii ku bada cagta ahaa ee in muda ah lagu ciyaaro garoonka Garowe taasi oo ahayd mid laga dheehanayay sida ay jaanta isula helayeen ciyaartoyda labada kooxood ee Horseed iyo Comced, oo shalay ku kulmay garoonka Mire Awaare.
Daawashada ciyaarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay taageerayaal aad u tiro badan oo u kala safnaa labada kooxood ee ku hardamayay Mire Awaare.
Waxay Ciyaarta socota ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta oo socotay shan iyo afartan daqiiqo ay ku soo idlaatay hal iyo waxba oo ay guusha ku hogaamineysay Kooxda kubada cagta ee Horseed,waxaana goolkaasi Guusha ah qeybtii hore ee ciyaarta Horseed u saxiixay Cabdiraxmaan Faarax Nuur Kushaneeto.

Kooxda Horseed
Daqiiqado yar ka dib markii ay wax yar ka dhineyd xiliga nasashada ayaa waxaa jiray fursado qaali ah oo soo kala maray labada naadi ee Horseed iyo Comced taasi oo goolala laga kala filan karay.
Hase ahaatee markii ay dhammaatay daqiiqadihii loogu talagalay ciyaarta qeybteedii hore ayaa waxay labada dhinac aadeen la tashiyo ale duwan oo ay la soo sameeyeen macalimiintooda.
Waxaana kooxda Comced ee ka socotay Gaalkacyo u suurogashay inay barbareeyaan qeybtii danbe ee ciyaarta, iyagoo keenay goolkii barbaraha oo uu u saxiixay Axmed Dhaba.
Halkaasi ayaa waxaa rigoorayaashii loo dhigay labada naadi ay guusha ku raacday kooxda Horseed oo ku badisay 4 iyo 3.
Kulankaan ayaa waxaa uu gogol dhig u sii yahay koobka gobolada Puntland oo la filayo inuu goor dhow ka bilowdo garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe.
Dhinaca kale isku aadka koobka gobolada Puntland oo la soo saaray waxa ay isagu beegmeen sida tan:
Group A
Nugaal
Bari
Kar-Kaar
Mudug
Group B
Heyland
Sool
Sanaag
Ceyn
anas
17-January-2012 at 10:29 pm
waw waw !!! fc karkaar kobkan waxaa leh gobolka karkaar viva qardho
siciid
14-January-2012 at 9:30 pm
asc horta aad ban ugu farax sanahay ciyaraha gobolada puntland oo ka furmaya garoonka caasimada puntland ee garoowe marka xiga bahda laacib.net waxaan leyahy waad mahadsantihiin ani waxa rajayn ciyarahan waxa guulausan sida lagu yaqaanay bilaaxyada nugaaaaaaaal oo aan gabasho aqoon viva nugaaaal
sharma
14-January-2012 at 5:04 pm
bismilaah halkaas waxaa iiga muuqda akhyaar badan ooo reer garowe ah oo aan in badan wajiyadooda arkin LAACIB.NET aad baad ugu mahadsan thiin tabinta wararka cayaaraha waxaan idinka sugaynaa in aad naga haqab tiri doontaan natiijada koobka gobolada marka uu furmo aniga oo u rajeynaya in gobolka NUGAAL uu banaan cidla ah koobka ka qaadan doono thanks akhyaarey
Abuubakar
23-January-2012 at 8:49 am
Ok waxan rajeynayaa iney kuguu leystan mudug
City Grwe puntlander
14-January-2012 at 3:57 pm
Kar kaar iyo grwe ayaa soo baxaya guruub yada
mawliid macaane
14-January-2012 at 3:27 pm
waan idin salamay dhamantiin marka hore aad baan waxan ugu rajawaynahay inuu qaadi doono gobalka mudug ee cupka gobalada puntland goblka mudug uga soo bixi doono group top uga soo bixi doonto hadii ilahay idmo
RAGEEDI
14-January-2012 at 2:44 pm
yaaab badanaaa KALKACYO banooni maa laga ciyaara lol
muusa dibir
15-January-2012 at 8:48 am
WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY CIYAAR WANAAGA IYO HABDHAQANKA SUUBAN EE NAADIGA HORSEED FC EE CIIDAMADA QALABKA SIDA EE PUNTLAND WAXAYNA NOQDEEN NAADIGA KELIYA EE AY PUNTLAND KU XISAABTAMAYSO MUSTAQBALKA MAADAAMA AAN MUDDO HALSANO AH AAN LAGA BADIN GUUD AHAAN TARTAMADII AY KA QAYB GALEEN IYAGOO SOO HOOYEY GUULA WAAWEYN.
Mahdi
14-January-2012 at 2:33 pm
Waxan aad u jeclahay in aan daawado ciyaaraha dhexmaraya Bari iyo Galkacyo oo Derby isku ah iyo Sool iyo Nugaal. xiiso gaar ah bay leeyihiin.
Mahdi
14-January-2012 at 2:30 pm
Qiyaastayda waxa soo baxaya Group A . Nugaal iyo Bari, Group B waxa soo baxaya Sool iyo Hayland.
Semi-final
Bari vs Sool.
Nugaal iyo Hayland
FINAL
Sool iyo Nugaal.
adan karama
14-January-2012 at 12:16 pm
war waxaan usoo jeedinayaa dadka halkan fikirka ka dhiibanaya in aanay fikirkooda ku salayn taageero balse ay ku saleeyaan waxa uu gobol walba hore usoo bandhigay qaab ciyareedka ee lagu yaqaano sool waa xulka ugu guulaha badan ee ugu ciyaarta wacan kkoob kasta oo ay ciyaaraan qof soo qaadayna ilaa hada ma arag why ?
cabdale zola (chelsea fan)
14-January-2012 at 12:04 pm
asc sln kadib wax u rajaynayaa inay kobka ku guulaystoh gobolka karkaar wayoh waa u qalma player fcn ayaa wataan oo tayo leh viiiiiiiiiiiiiiva qardho
Maxmud xudayfi
14-January-2012 at 12:03 pm
Suurtagal maaha sida guruubada loo qaybiyay waayo goboladii bariga waa isku guruub kuwii galbeedkana waa isku groub viva sanaag stars
jaamac barkhadle
14-January-2012 at 11:56 am
ASC mar ugu horaysa bahda webka laacib.net waxaan idin leeyahay waad ku mahadsan tihiin hormarkaad kawadaan dhanka sportiga marka xigta waxaan leeyahahy aniga koobka gobolada haday 4 bigtu hal group wada galeen waxaan filyaa in garoowe & gaalkacyo baxeen wxaan dhahayaa gobolada kale isasoo adkeeyaa waad jilicsan tihiine
ahmed Cali yuusuf
14-January-2012 at 11:54 am
waxaan leeyahay Group yada sida aad u qorteen Maaha ee
Groupka A waxaa Ku wada Jira Nugaal, Bari, Karkaar Iyo Haylaan
Group B waxaa Ku wada Jira Mudug, sool, Sanaag iyo Cayn
sidaas weeye isku aadku Groupka A baana Ugu Adag
Nugaal Viva
Galaadi city
14-January-2012 at 11:04 am
Asc dhaman akhyarta sharafta leh salan ka dib hadan ahay taageero galkacyo ah waxan rajeynayaa inan groupka geerida kaso baxno.
Ciyaarta derbiga ah waa
nugaal vs mudug
mudug vs bari
bari vs nugaal
karkaar vs bari
gobalka mudug guul ayan urajeynayaa insha alaah wan qadaynaa koobka.
cabdiraxmaan axmed cismaan (cade)
14-January-2012 at 10:54 am
ugu horayn waxaa mahad oo dhan leh alle .marka xigta waxaan umahadnaqayaa dadka soo qaban qaabiyey ciyaarahan ka bilaamanaya casumada puntland eegarowe waayo kubada waxaayka mid tahay is dhexgalka bulshada waana hab loo bahan yahay markaan in kaga gudbomahadnaqa waxaan rajaynayaa in gobolka kar_kaar uu ku gulaysandoono puntland priemer league waayo gobolka kar_kaar waa gobaol aad u wanaagsan oo haysta balaayaro wan wanaagsan oo had iyojeer u taagan siday uga qaybqaadenlahayeen xili ciyaaroodkoda inta ka dib waxaan uusoo jeedin kooxa ka kala soocada gobolada puntland iyokuwa kaleba in aysan samayn waxa dagaala waaayo kubadu maahan dagaal ee waa xeelad iyo xirfad waxa ayna ka mid hab nabadeed ogow soomaali been waa sheegtaa balse been maah maahdo waxaa horay loo yiri(dagaal wiil ku ma dhasho ee wiil baaku dhinta)
j.mata
14-January-2012 at 10:04 am
sln sare war hal group Bosaso iyo Garowe iyO Qardho iyo Galkacayo wada galen war waa dhimasho viv Bari and karkar viv Amiin
j.mata
14-January-2012 at 10:02 am
sln sare war hal group Bosaso iyo Garowe iyO Qardho iyo Galkacayo wada galen war waa dhimasho viv Bari and karkar
Cabdi cantar
14-January-2012 at 9:02 am
Asc dhaman waan ku farax sanahay ciyaarahaas waayo waa horumarka bulshada & isdhex galka bulshada bye bye