Dherkenleey Oo Garaacday Hodan, Una Soo Baxday Finalka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir. | Laacib.net
Home » Africa » Dherkenleey Oo Garaacday Hodan, Una Soo Baxday Finalka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dherkenleey Oo Garaacday Hodan, Una Soo Baxday Finalka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 26-12-11 5:22 PM

\"\"

Ciyaar aad u xiiso badneyd oo xamaasadeeduna ay sareysay ayaa maanta waxa ay ku dhexmartay Stadium Koonis kooxaha degmooyinka Hodan iyo Dherkenleey, waxaana uu kulankaan ahaa semi-finalka koobka degmooyinka gobolka Banaadir.

Taageerayaal aad u tiro badan kana mid ahaa kuwii ugu badnaa ee soo xaadira intii uu tartankan socday ayaa maanta soo buuxiyay Stadium Koonis iyadoo ciyaartu ay aheyd mid aad u adag.

Waxaana ciyaarta ay ku bilaabatay jawi dardar ah oo ahaa weerar iyo weerar celis, lakiin intii aan lakala aadin xilliga nasashada waxaa fursad qaali ah ay soo martay degmada Hodan oo helay rigoore ka dib markii uu kubad gacanta ku taabtay ciyaaryahan ka mid ah ciyaartoyda degmada Dherkenleey.

Degmada Hodan oo rigoorada heshay ku dhawaad daqiiqadii 38aad ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa rigooradaasi laga badbaadiyay, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la\’aan ah.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad, wax yar iyadoo socota Hodan ayaa shabaqa soo taabatay lakiin goolkaasi waa laga diiday ciyaar uu dhexdhexaadinayay garsoore Nuur C/lle.

18 daqiiqo qeybtii labaad markii ay ciyaarta socotay waxaa laad xor ah heshay degmada Dherkenleey, waxaana u istaagay ciyaaryahanka Numberka 10aad u sita  Dherkenleey C/qaadir Maxamed Xasan oo si qurux badan ugu xareeyay shabaqa kooxda Hodan.

Goolkaasi ayuuna ahaa midkii lagu kala baxay ka dib ciyaar kulul oo labada degmo dhexmartay, Dherkenleey ayaa haatan iskeentay finalka koobka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ay sugeysaa kooxdii soo baxda Wadajir iyo Yaaqshiid.

Iyadoo wax yar laga bedelay jadwalka ciyaarahan ayaa kulanka kale ee semi-finalka waxaa la ciyaari doonaa maalinta berri ah oo dhexmari doona kooxaha Wadajir iyo Yaaqshiid, waxaana la filanayaa ciyaar adag oo xiiso leh.

71 Responses to Dherkenleey Oo Garaacday Hodan, Una Soo Baxday Finalka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

  1. Aadan xuska Reply

    30-December-2011 at 1:26 pm

    Ugu horen waxaan halkaa salaan ugu dirayaa dhamaa bah da isbortiska yaaqshiid 1 1dharkeley rigooyo yaaqshiid 5 4dharkeley

  2. Gaas gerrard. Reply

    27-December-2011 at 10:53 pm

    ASC Dhaman bahda sports ka .
    Waxan leyahay Dharkenley come the cup in dharkenley distric.
    Insha Allah gusha an rajaynaynaa.
    Viva dharkenley .
    Wadajirna walalahen dhigena waxan lenahay qadar Alla waye wax kaste gerida naso wada gartay anku sabarno.
    Inta dhawacana Allaha cafiya.
    Insha Allah the cup will came in dharkenley.

  3. istiila buulo xubey boy Reply

    27-December-2011 at 7:36 pm

    degmada wadir wa dagmo footballka taariq ku leh ciyaartoydi qaranka somalia ayada aya ugu badned taarikh ahaan marka aad ayaan ugu faraxsanahay finalka waxan urajeynaya labada dagmo oo mataanaha ah wadajit vs dharkenleey camon wada jir viva wadajir

  4. knaan Reply

    27-December-2011 at 3:08 pm

    viv buulo xuubey wadajir

  5. knaan Reply

    27-December-2011 at 3:07 pm

    yanan leys dhibin asxaabta koobkaan wuxu yalaa madiino cid kale malahan wlala dharkeynleey iyo wadajir ayuu u dhaxeeyo viv wadajir buulo xuubey viv ciyaalka xaafada

  6. farxiyo fiska Reply

    27-December-2011 at 11:09 am

    wadajir ayaa galabta badineyso

  7. kamadare Reply

    27-December-2011 at 11:09 am

    asc bahda lacib iyo dhamaan taageerayaasha dagmada hodan koley yaaaaa loo arkin kooxdayda haday hartay in aaan ka aamuso fikradaha laga dhiwanaaayo aniga oo ah taaageere ka mid dagmada hodan waxaan uhan balyeynayaa dhaman ciyaartoda dagmada dharkenley iyo tagerayaashooda koley gari 2nin kawada qosliso kkkk wan qadanaynaa badiskii nagala badiyay hadii aan lahadlo bahda lacib wad kumahadsantihiin waxaana tihiin dad ushaqeeya dhalinta jecel isbortiga wadna kumahadsan tihiiin

  8. Aabbe gaabunaa Reply

    27-December-2011 at 10:22 am

    kulankaas waxu aha kulan xiiso leh lkn waxaa ka xiiso badan midka u dhaxeeya yaaqshiid iyo wadajir kaas ayaa ku leh

  9. schole Reply

    27-December-2011 at 8:17 am

    kkkk asc asxaabta waan idin salaamay waxaana ku faraxsanahay ayadoo g.b banaadir laga furay cayaro is dhaxgal ah hadii aan ahay wiil somali ah waxaan dhahayaa hospitaal madiina qolal fara badan hala sii qabto oo la dhigo cayartoydiina yaqshiid waxaa watahalyey la wadda yaqaan abdi hajji [abdi kuus] viva somalia qaasatan yaqshiid

  10. C.fitaax ganeey Reply

    27-December-2011 at 6:22 am

    Wlhi hadan ka hadlo arinta sami finalka ee dharkenleey guusha raacday waa wax lagu farxo finalkana guul ayaan urajeynaa dharkenley wada jirna guul

  11. indheey Reply

    27-December-2011 at 2:23 am

    viva yaaqshiid insha alaah yaaqshiid aya ku badan donto 3 vs 1

  12. Cabdi fitax banko14 Reply

    27-December-2011 at 1:22 am

    Viva yaaqshiid never lose hope yaaqshid 3 v 1 wadajir

  13. WIILKA BUULOBAYSAANI Reply

    27-December-2011 at 12:29 am

    WAAW MAASHA ALLAH AAD AYAAN UGU FARAX SANAHAY MATAANAHEENA DHARKEYNLEEY GUUSHA EEY GAARTAY WAXAANA SUGEEYNAA DAGAMADEEYDA WADAJIR EE LA MATAANKA AH DAGMADA DHARKEYNLEEY VIVA MADIINO WAXAA RABAA INEEY NAQOTO (DHARKEYNLEY U DHIIBO WADAJIR KA QAADO , WADAJIR U DHIIBO DHARKEYNLEEY KA QAADO) VIVA MADIINO, DAGAMADA BAHDA CIYAARAHA FOOTBALL AND BASKETBALL,

  14. WIILKA BUULOBAYSAANI Reply

    27-December-2011 at 12:25 am

    WAAN U HAMBALYEEYNAYAA DHAMAAN WALAAHA SOMALIYEED GAAR AHAAN WALAALAHA GOBOLKA BANAADIR AAD AYAANA UGU FARAX SANAHAY CIYAARAHA XIISAHA BADAN EE DAGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR KA SOCDO, RUN AHAANTII BAHADA CIYAARAHA EE LAACIB AAD AYAN UGA MAHADCELINAAYA SIDA QIIMAHA LEH EE INOOGU SOO GUDBIYEEN CIYAARAHA GUDAHA IYO KU WA HORYAALADA YURUB, WAXAANA SI QAAS AH , WAXAAN XASUUSTAA 8SANO KAHOR BAHDA LAACIB OO ISNIIN WALBA IYO ARBACO WALBA INOO SOO GUDBIN JIRAY WARAKA CIYAARAHA, WALIBA WADAN OO XAALADIISA AAD U ADKEED MAR WALBO VIVA LAACIB,

  15. maxamed deeq Reply

    26-December-2011 at 11:23 pm

    waaaaw, mashallah way dadaaleen Dharkenley bOyZ waana kafilaynay guushaan weeyn ay noo keeneen inshallah waxaan u rajeynayaa inay finalka la ciyaaraan Degmada wadajir..ayna ku guulaysato Dharkenley*

  16. mowlid osman daadir maxamed Reply

    26-December-2011 at 10:07 pm

    wadajir insha alaah guul inaad lasoo hoyotaan ayaan rajeenayaa byy

  17. Xusen nuune mr siliga Reply

    26-December-2011 at 9:51 pm

    Dhakenly gul wcn cupka wakii dharkenley viva drknly and inta tagerta sln sare,

  18. Aadan deeq Reply

    26-December-2011 at 9:51 pm

    Waa inoogu hambalyeynayaa bahda ku abtirsata degmada dhirkenley guushan qaaliga ah ee inoo soo hooyen dhalintena galabta sidoo kale walalahena reer hodan ee nasiibka ina kala saaray waan u tacsiyeynaya koley dagmaa lacaraabi laheyd kobkan guul galabta oo kaliye uguma ekeen guul wey danbeysaa reer hodan tan kale koobkan insha’allah waxaan rajeynayaa in sooma jeystaayasha dhirkenley ay gacanta ku soo dhigi doonaan finalaha

  19. dharkeenley Reply

    26-December-2011 at 9:46 pm

    asc guul dharkeenley koobko wuxuu yaalaa dharkeenley

  20. daahir biidhe Reply

    26-December-2011 at 9:45 pm

    berine gul ayan u rejenena wadajir insha alah madama a nahay hal dagmada madina gul insha alah kobka wa madina insha alai

  21. daahir biidhe Reply

    26-December-2011 at 9:43 pm

    asc dhaman bahda isbortiga mel walbo e joga iyo lacib.net ad ban ugu faraxsanahay gusha e garen dagmada dharkenley ale aya mahadleh o gusha gacantoda geliyay berind hadi o Eebo idma waxan gusha u rajenaya wadajir madama e madina iku yihin lawada dagama wadajir gul beri insha alah haka harina walalihina dharkenley kabtanki hore e qaranka somaliyo gadudow waxu ku dhashay madina dafici halista aha e lagum magacawi jiray faransa waxu kubada kasobilaway dagmada wadajir waxuna u ciyarajiray kox laguma magacawi jiray intar golyahe cilmi dhere gatama iyo nunow dhamantoda wa rer madina kabtaka qaraka hada wa rer madain yu cali alow anago nawad ah nagu celi muqdisho datka dhahahay madina dhalintetda we jogan we hurdayan e hurdada ka kaca ayan dhihi laha madana dhalinteda mar hore aye qexen waxa ku horay ilma yaryar iyo qex o kaliye madina gul insha alah berine ale ayan gul ka sugena wadajir in o garsiyo viu arsenal madina kobkan madina ayu yala

  22. Abdi gani qooleey or qool juve Reply

    26-December-2011 at 9:41 pm

    Hawen wanagsan sln sare iga hanta bahda wargayska laacib.net then dharkayn leey guul, wadajirna maxaa ka reebay walaasheed dharkayn leey viva wadajir guul ayan u rajeenaya insha’allah

  23. axmad cabdi afrax Reply

    26-December-2011 at 9:39 pm

    asc inta aqrisata laacib waxaan leeyahay haday soobaxdo wadajir iyo haday soobaxdo yaaqsheed waa iskugu kaaya mid hagudagdagin dharkeenley waa hooyada hoyga cayaaraha ee gobalka banaadir kacabso catastrophe cayaar cabana mood dhuxa iya lafaha iyo

  24. axmad cabdi afrax Reply

    26-December-2011 at 9:38 pm

    asc inta aqrisata laacib waxaan leeyahay haday soobaxdo wadajir iyo haday soobaxdo yaaqsheed waa iskugu kaaya mid hagudagdagin dharkeenley waa hooyada hoyga cayaaraha ee gobalka banaadir kacabso catastrophe cayaar cabana mood dhuxa iya lafaha iyo

  25. Phil Man muza 7 Reply

    26-December-2011 at 9:18 pm

    Dharkenleey guul guul guul dharkenleey haguleysato viva dharkenleey viva man utd 4ever

  26. viv dharkeenleey aniga ahaan waxaan is leeyahey dharkeenleey koobkaan waxa ku haaysto ma jirto lkn wadajir ayaa finka imaan doonto iyad ayaan ka qaadi doona

  27. Guuleed shareera Reply

    26-December-2011 at 8:55 pm

    Viva yaaqshiid ged qaloc waxan kaxumahay madino oo 2ma kusocoto an wada cuni rabo xaax xanuun badana hala geeyo koobka barxada weyn ee dagmada yaaqshiid

  28. Waxgarad Liverpool Reply

    26-December-2011 at 8:38 pm

    ASC dhamaan taagera yaasha kala gedisan,
    RUNTII WAA WAX AAD LOOGU FARXO MAANTA INEE GUUL
    GAARTO DHARKE`NLEEY WAANA FILEENAY WAXANA LEEYAHAY
    GUUL WACAN; WAXAN RAJEENAA INEE SOO GARAACDO WADAJIR
    YAAQSHIID ENA SIFIICAN DHAGAHA OGA TUMAAN WAXAANA
    LEEYAHAY QUUSIYA DADKAAN AAN KAWARHEENIN REER MADINO
    AWOODA EE LEEYIHIIN KUBADA CAGTA HAKA DHARGAANEEE
    FIINAAL KAA WAA ISKA CADYAHY DHARKEENLEEY VS WADAJIR
    HALAGU RAAXEESTO KOOBNA HANALOO GEEYO DHARKEENLEEY
    VIVA DHARKEENLEY VIVA QARANKEENA OCEANS STAR

  29. Waxgarad Liverpool Reply

    26-December-2011 at 8:38 pm

    ASC dhamaan taagera yaasha kala gedisan,

    RUNTII WAA WAX AAD LOOGU FARXO MAANTA INEE GUUL

    GAARTO DHARKE`NLEEY WAANA FILEENAY WAXANA LEEYAHAY

    GUUL WACAN; WAXAN RAJEENAA INEE SOO GARAACDO WADAJIR

    YAAQSHIID ENA SIFIICAN DHAGAHA OGA TUMAAN WAXAANA

    LEEYAHAY QUUSIYA DADKAAN AAN KAWARHEENIN REER MADINO

    AWOODA EE LEEYIHIIN KUBADA CAGTA HAKA DHARGAANEEE

    FIINAAL KAA WAA ISKA CADYAHY DHARKEENLEEY VS WADAJIR

    HALAGU RAAXEESTO KOOBNA HANALOO GEEYO DHARKEENLEEY

    VIVA DHARKEENLEY VIVA QARANKEENA OCEANS STAR

  30. Dr jesal Reply

    26-December-2011 at 8:14 pm

    Wlh sidan wey ila aheyd o koxdan dhankasta wey kashistahay weyna dhacday sidan filayay by by by by by wey din slmy dhamamtin

  31. abris Reply

    26-December-2011 at 8:13 pm

    Asc sxb jaangoow aad ayaan ugu xumahay saadaasha aad rajaynayso wax jiro ma ahan waa sida aan ani usheegay dharkenley vs wadajir waaye waxaa qaadaayana kama hadli karo maxaa yeelay waa laba degmo oo walaalo ah lkn insha allah cupkan madiino ayaa lakeenaa wadajir vs yaqshidna wadajir ayaa badinayso waana idin salaamaa

  32. abu juve Reply

    26-December-2011 at 8:11 pm

    kkkkkkkkkkkkk guusha 2 ma ahan waxaan aheen hadaan nahay reer dharkeenlay hoyga kubada cagta waad ka warqabtaan inta badan ciyaartoyda qaran ma tasho inaan anaga nahay kulay wax badan haan ma buuxsho viva dharkeenlay iyo ciyatoyda da da yar sida doo xaaji c.fitaax maxamed ciise iyo sharmaarke c.salaan iyo waliba kanbtan cumaray cabdale dheere dhaman inta magacoowda aan ka tagay ee guulaysta

  33. lil________muhsin Reply

    26-December-2011 at 8:10 pm

    hahaha saadasheydii qeyb ka mid ah waa ay dhacday oo eheed in dherkeenley soo baxeeso wayna soo baxeen mida kale berrito yaaqshiid vs wadajir waxa soo bixi doono yaaqshid

    saadashaasha fiinaalaha

    yaaqshiid 3 dherkeenleey 1

  34. Jaangow88 Reply

    26-December-2011 at 8:03 pm

    Waaa sida aan u shegay dharkeley wey soo baxday yaaqshiid vs wadajir waxa soo baxayo yaaqshiid waxana qadayo yaaqshiid taasi aniga hore u sadaliyay marka biri la arki dono meshii ey marto inshallah yaaqshiid ayaa qadeyso

  35. Haashim maxamed cali Reply

    26-December-2011 at 8:02 pm

    Asc asxabta jecel kubada cagta waxa le yahay rer yaqshid iska qursado viva wadajir

  36. Haashim maxamed cali Reply

    26-December-2011 at 7:59 pm

    Asc war bahinta lacib.net iyo tagerayasha wadajir waxa farxad in ah in ay maanta finalka uso baxday dharkenley lkn beri waxa lasuguba wa wadajir iyo tagerayashede iyo lacibintoda viva wadajir

  37. abdi wadajir Reply

    26-December-2011 at 7:57 pm

    waan ku farax sanahay guusha eey gaartay matan teen dharkeen leey waxaana rajeenaa in aan anagana soobaxno wadajir

  38. Kaafi dharkeynley Reply

    26-December-2011 at 7:50 pm

    Wan ku faraxsanahay guusha dharkeynley galabta gaartay finalkana wan qaadeyna insha allah

  39. abdifitah hasan ali Reply

    26-December-2011 at 7:48 pm

    asc dhaman shaqalaha laacib net aniga oo ah ciyar yahay kii hore ee dagmada yaaqshid waqtigi hore 2002 ucayari jiray yaaqshid waxan urajeyna in aay badin doonan kulanka barito dhaxmari doono yaaqshid iyo wadajir aniga wan ogahay kubada in aay tahay cad iyo madow sida dareded wanu kabadin doonna dagmada wadajir maxayelay yaaqshid waxa aay heysata cayar yahano tayo fiican sida naadiga real madrid oo kale wa dagmo uqalanto in aay qaato kobka kasoconayo conis yaaqshid waa in aad udheshan sidi hore aan udheli jirnay waxan idinka soo taageraya dalka sweden gaar ahaaan gobalka örebro asc

  40. ismacill gaduudoow Reply

    26-December-2011 at 7:32 pm

    asc asxaabta dhamaan reer dharkenley koobkan waa iska cadyahay meesha uu u socdo ama waa wadajir ama dherkenley waxa aan u rajeynaa ciyaartoyda dherkenleey oo aan dhalinyaro badan ka aqaano in eey guul u soo hoyaan

  41. maxmed salmaan Reply

    26-December-2011 at 7:26 pm

    wan ku farxasanahaye gosha aya garataya dharakenleya barina waxa sobaxayo wadajir waxan ku gulesanaya wadajir vavi wadajirkkkkkkk

  42. q,saxaf Reply

    26-December-2011 at 7:24 pm

    Asc. Wa iska cadahay koobkan wuxu u hoyana Madiino,waxana u dhow inay qaado Dharkeynley, waxana ka codsana koobka markan soo qaadno in la geeyo xerada “Badbaado” si farxada iyo dabaaldaga ay uga qeyb qaatan walaalahena soo barakacay.viva Madiino,viva Dharkeynley.

  43. ibrahim Reply

    26-December-2011 at 7:10 pm

    dharkenley waxay ilkaha usii sifeesanesa kooxda soo baxdo laakin waxaan jecelahay in ay soo baxdo kooxda wadajir oo ciyarto noqoto Derby dharkenley vs wadajir…com’on dharkenley we can win this time

  44. xaajoow Reply

    26-December-2011 at 7:03 pm

    Dharkeenleey dhayman waaye inta kale dagax waaye , Dharkeenleey vs Wadajir ayaa finaal imaan doonaan waan sugeynaa Dharkeenleey ayaa u qalanto inay qaado cup-kan maxaay yeelay barakacayasha badbaado ayaa u duceynooyaan

  45. Asparo Reply

    26-December-2011 at 7:00 pm

    Asc inta kuxiran laacib aniga waxaa shagayaa koobkaan waxaa is kale yaaqshiid wana dagmada an kasoo jedo shalana waa shagay fiinalka waxaa imanaya dharkeelay iyo yaaqshiid waxana ahay qabiir spors marka reer madiino ama ha qaxaan ama hajoogane koobkaan gacantenuu ku jiraah ilove you dhaman reer yaaqshiid waa ex lacibkiinii oo idin leh guul wacan madaba ana wadanka jogin

  46. Amiin Axmed Amiin Reply

    26-December-2011 at 6:59 pm

    Asc hambalyo dharkenley iyo wadajir koobkan waxa la geynaa madiino insha allaah qaasatan d.qeyn viva madiino viva d.qeyn

  47. yaaska Reply

    26-December-2011 at 6:56 pm

    aaway gudoomiyaha yaaqshiid waxaa lagaa rabaa in aad ciyaartooyda niyada u dhisto oo aad la mid noqoto sida axmed caadi oo kale si ay kooxda moraal u hesho fadlan saas sameey waxaan markaas rajeeynayaa in kooxda ay guul kuu keenayso manbalyo yaaqshiid ka cabso in ay yuq ku siiso

  48. ciid Reply

    26-December-2011 at 6:48 pm

    horay ayaan u sheegay kobkan in la gay doono labada mataano ee dharkeen ley iyo wadajir marka reer hodan waxaan ugu badniya waxa waye anaga waxaan hesanaa garoomanka ugu badan muqdisha ciyaar toydena waxaa lagu soo safay si xag ah marak waxaan lee yahay reer dharkenyel guul guu difaca dharkenley cumarey noolaw sxb viva dharkenley

  49. faysal madina Reply

    26-December-2011 at 6:48 pm

    asc dhaman bahda laacib wan isdin salamy salan ka dib waxaan aad ugu farxsanahy in degmada darkeynley ee u soo baxdat finalka koobka dagmooyinka goblka banaadir waxaana rajeynayaa inshalah in ay bari soo raacdo degmada wadajir taasina ay xaqiiq u noqoto sida degmada madiina ay saldhiog ugu aheyd kubada cagta wadajir vs dharkeyley ayan rabaa inshalah finalaka kii badaiya wan la jiraa waloolw aan wadajir ka imaaday lkn wa isku mid waa madiina viva madiina a i love all madiina land

  50. afeey Reply

    26-December-2011 at 6:37 pm

    sxb waan idin sheegay in ey koobkaaaan leedahay dagmada faca ween ee dharkeenley wh waaa dagmada aan ku dhashay aad ayaaan u jeclahay dagmadaas ilove dhaekeenleey guul guul dhaekeenleey

  51. faarah Reply

    26-December-2011 at 6:26 pm

    waaba tii aan idin sheegay in ay dharkeenley ee lee dahay cup ka maxaa yeelay waxaa ay heesataa banaano badan oo ay tababar ay ku taaqad karaan saas daraadeed ayaa dharkenley ay ku qaadeesaa cup

    I love dharkeenley waana xaafadeeda dharkeenleey
    we love all people they living in dharkeenley viva dharkeenleey

  52. ismacil Reply

    26-December-2011 at 6:26 pm

    heer madiina waxe u xoganyihin waa 2ba dagmo ana dhalinteda wali qaxin dagmoyinka kale e moqdisho dhaliyaradi ku noled we kala firxaden waxa hada jogo wa yar yarki iyo kuwo e u samixi wayday ine qaxan marka moqdisho hade nabad noqotay dhalinyaratana hade isku so laban donta wana arki dontin dagmoyin badan o hada bilawga ku haray ine wacdaro dhigi donan koobabka so socdo aniga dagmadeda wali ma harin waa yaaqshiid sidaso tahay wa ogahay dhalinti yaqshid kubada laga dambeyay inosan midna ka jogin wadanka

  53. Qanciye Reply

    26-December-2011 at 6:24 pm

    Asc all viva yaaqshid iida ayaa iskaleh kuubka yaqshid viva

  54. Fahad Reply

    26-December-2011 at 6:22 pm

    Asc bahda laacib.net iyo inta ku xiran wabkan run ahaantii koobkaan waxaa finaal isugu imaan doono degmooyinka yaaqshid iyo dharkeenley waxaan qaadi doonto koobkaan degmada faca weyn ee qadiimiga waa degmada yaaqshid viva yaaqshid, beri hala arko wacdarada aan kudhigi doonno degmada wada jir ciyaar ayaana labari doonaa wadajr viva yaaqshid guul wacan

  55. Fahad Reply

    26-December-2011 at 6:20 pm

    Asc bahda laacib.net iyo inta ku xiran wabkan run ahaantii koobkaan waxaa finaal isugu imaan doono degmooyinka yaaqshid iyo dharkeenley waxaan qaadi doonto koobkaan degmada faca weyn ee qadiimiga waa degmada yaaqshid viva yaaqshid, beri hala arko wacdarada aan kudhigi doonno degmada wada jir ciyaar ayaana labari doonaa wadajr viva yaaqshid

  56. Qanciye Reply

    26-December-2011 at 6:19 pm

    Asc all viva yaaqshid iida ayaa iskaleh kuubka viva yaqshid

  57. mahomad Reply

    26-December-2011 at 6:19 pm

    war aniga waxaa nishagaa ina rer madino banoni lugarin aniga marka hore her muqdisho ma ihi waxaan ahay her barawe viva barawe

  58. aidaruus.toom Reply

    26-December-2011 at 6:11 pm

    run ahaanti waxan dhihi karaa ciyaarahan ka socdo moqdisho wa mid xamaasadiisa wato hadaba haddi dharkeynley iskeentay finalka wadajirna waa ay ku soo daba jirtaa oo yaaqshiid waxan dhihi karaa can dhuuftada dib ulaq hadaan wadajir nahay wan qaadi doona koobkan insha allah lkn yaanan ka saarin meesha dharkeynley haddi ay qaado koley koobka wuxuu xaadir ka noqon waa madiino salaamulah cleykum

  59. Jaam Reply

    26-December-2011 at 6:11 pm

    K.k.k.k.k.k.k

  60. vijAy QaAn Reply

    26-December-2011 at 6:08 pm

    wAan filayay inaa soo baxeyno finalka wow mansha allah hAdanA sida aan horeybA u saadaaliyay waxeynu sugeyna wAdajir bye bye hodan yAAqshiid noo hartay bAritaA lAduwahaa koobkAna mAdino hAlagA rAadsho abAah viiva dharkeynleey

  61. daahir Reply

    26-December-2011 at 6:07 pm

    waxa wada ciyari dona cayarta kama dabeska ah labada dagmo e ka wada socda madikenna dharkenley vs wadajir waxa na ku gulesan dona dagmada an ku dhashay e dharkenley inkasto aniga dagmada wadajir ligu tiriyo ina aha calashan bashalkeyga iyo nadigeyga e ka dhisnet wadajir

  62. dharkeynley and wadajir boy Reply

    26-December-2011 at 6:06 pm

    saan lee ma neceeninoo degmoonka kale iska imaada ayaa la dhahay ilee koobkan madiino ayuu u hoyan doonaa mida xigta augurio ama auguriyo dharkeynley farxad kunoolada kabtan cumarey and doo oo dhaliyay koosha maanta kusoo baxday dharkeynley koobkan macmacaanka ayaa la geyn doonaa vva dharkeynley an wadajir

  63. dadir juventus Reply

    26-December-2011 at 6:05 pm

    Waan shegay mar hore waayo waay adagyihiin dharkenley&wadajir waxana kobka lageynayaa madiina hoyga kubada cagta qaranka waligeed ayey aheyd madina in xulka qaranka laga xulo hadana waxan rajeynaya in mudane axmad daaci uu wadajir xaflad uguy dhigo barxada dagmada &inta udhaxysa ex bostada wadajir ayana leh kovka viva wadajir degmada aan jeclahay degmoyinka jkale ha samreen waayo waay qaxeen coladaha daba dheraday awged lkn madina ayada qaxotiga marti galisay wa taa tan aan awoda ku keenay lkn kobka kan xiga wadanka oo nabad ah insha alaah

  64. Cibaar mr:arsenal Reply

    26-December-2011 at 6:03 pm

    Barito waxa rajeynayaa in yaaqshid 2:1 wadajir insha’alah viv final yaaqshid vs dharkenley viva towfiq and yaaqshid

  65. Bariyow Reply

    26-December-2011 at 6:01 pm

    Aniga waxaan amin sanahay cidii rabta ha soo baxdo ee waxaa qaadaya koobka yaaqshiid oo runtii awood aad ubadan uleh kubada cagta

  66. baanow Reply

    26-December-2011 at 6:00 pm

    hahhahahahahahahaha maqusli gari war aniga koobka ina laganayo madino marka oo bilawanaye tartanka aa shegay hodan soo bar bara aa nilayahay madama aa ku dhacden dagmo niga awod badan niga magac weyn bari xitaa yaqshiid borsadina siqata aa nilayahay viva madino

  67. wiil madiino Reply

    26-December-2011 at 5:58 pm

    asc wr wb dhamaan umada soomaaliyeed meel walbo aad joogtaa dhab ahaantii koobka udhexeeya degmooyinka gobolka banaadir sidi inta badan bahda sportiga ay qayaasayeen buu u ek yahay hadaba dharkeenley wey joogtaa banaanka waxaan sugnaa waa kooxda wadajir oo ah koox aad udaga hadeyba hodan meesha kabaxday koobka waxuu yaalaa xaafada madiino horaan na idinkugu sheegney reer banaadir inaysan degmooyinka mataanaha ah lagu gaarayn banooni

  68. abduqadir hassan Reply

    26-December-2011 at 5:52 pm

    aniha hore ayaan usheegay in ay soo bixi doonto dharkeynley finalka waxa sugaynaa wadajir waxana iska leh koobka dherkenley viva dharkeynley

  69. Jones dhere Reply

    26-December-2011 at 5:46 pm

    Waa beyntaa cupkaan waxaa iska leh dharkeyley inta kale waa jaawo

  70. Mahad young towfiq(indha cade) Reply

    26-December-2011 at 5:44 pm

    Hadan nahaY RER YAAQSHID BARI WAXAN KU BDin donaa 3:1 wana qadi dona kopkan viva yaqshiid

  71. saadaq Reply

    26-December-2011 at 5:34 pm

    Asc dhamaan ani hore ayaan au sheegay dharkenley iyo wada jir in aay isku soo wada baxayaan waxaana koobkaan leh wadajir

  72. ciiloow cadde macqulsome Reply

    26-December-2011 at 5:33 pm

    Iam so sorry badiska laga badiyey dagma weynta hodan kubadne wa cad iyo modaw thnx laacib and dagma weynta hodan. Viva hodan

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>