Home » Horyaalada » England » Sir Alex Ferguson Oo Qaboojiyay Wararka Ku Saabsan Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Manchester United.

Sir Alex Ferguson Oo Qaboojiyay Wararka Ku Saabsan Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Manchester United.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 25-December-2011

\"\"

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaan indhaha haatan ku heynin inuu suuqa kala iibsiga galo bisha Janaayo marka uu furmo, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay awooda kooxda uu haatan heysto ee ay dhaawacyada ka buuxaan.

Ashley Young\"\" ayaa isbuucaan ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca ah oo ay ku jiraan Nemanja Vidic, Anderson, Michael Owen, Tom Cleverley halka Darren Fletcher uu isna ku maqan yahay talo dhaqtar.

Si kastaba, Ferguson ayaa aaminsan inuu heysto awood hoose oo uu waxyaabahaasi kaga kormari kari, waxaana uu carabka ku adkeeyay inuusaan qorsheyneynin inuu heshiisyo soo galo bisha Janaayo.

Isagoo ka hadlyay ka hor kulanka Boxing Day ee berri ay la ciyaarayaan Wigan, Ferguson waxa uu yiri: \”Aad ayaan ugu faraxsanahay awooda kooxdeyda gaar ahaan tayadooda iyo da\’ ay isagu jiraan\”

\”Ima bedeli karaan wararka joogtada ah ee lagu qorayo Twitter iyo website-yada ee ugu baaqaya kooxda inay mashquul ku noqoto suuqa kala iibsiga marka uu furmo bisha soo socota\”

\”Sida aan aniga qabo talaabo ayaan hore u qaadayaa, taasoo run ku ah waxa aan aaminsahay iyo sharuucdeyda. Iyadoo run ay tahay inay koobab ku qaadi karaan hadii aad la soo wareegto ciyaartoyda adduunka ugu fiican hadana qasab ma ahan inay kugu hogaamiyaan halka aad dooneysid, sida aan rajeynayo waxaan soo bandhigi doonaa in laga maarmo ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka\”

\”Waxba maya ma oran kartid kubada cagta, sababtoo ah waxyaabo badan ayaa isbedeli kara, waana dhaqanka kubada cagta adduunka. Hadii ciyaaryahan heer sarre ah uu diyaar noqdo, markaas waan soo iibsaneynaa ama hadii dhaawacyo kale oo halis ah ay nasoo gaaraan markaas waxaa laga yaabaa inaan wax ku soo darno kooxdeena\”

 

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.