Home » Horyaalada » England » Arsenal Oo £15 Milyan Ku Dooneysa Lukas Podolski Xilli Arsenal Ay Suuqa Ugu Jirto Weeraryahan Cusub.

Arsenal Oo £15 Milyan Ku Dooneysa Lukas Podolski Xilli Arsenal Ay Suuqa Ugu Jirto Weeraryahan Cusub.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 16-December-2011

\"\"

Kooxda Arsenal ayaa daawan doonta weeraryahanka Jarmalka Lukas Podolski caawa iyadoo Arsene Wenger uu ku raadinayo 15 milyan ginni ciyaaryahankan bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub marka uu suuqa kala iibsiga furmo bisha soo socota, iyadoo Wenger uu raadinayo ciyaaryahankii dabooli lahaa Robin van Persie.

Podolski, oo u ciyaara kooxda Cologne ayaa u soo muuqday ciyaaryahanka ay dooneyso kooxda waqooyiga London.

Indha indheeyayaasha kooxda Gunners ayaa dhowr jeer daawaday 26 jirkaan oo dhaliyay 14 gool 15 kulan oo uu u saftay kooxda Jarmalka xilli ciyaareedkan.

Wargeyska Daily Mail ayaa soo ogaaday in saraakiil ka socota Arsenal ay Jarmalka joogaan si ay u daawadaan Podolski oo ka hor imaanaya kooxdiisii hore ee Bayern Munich.

Iyadoo Marwan Chamakh iyo Gervinho ay aadayaan bisha soo socota koobka qaramada Afrika, Wenger waxa uu doonayaa weeraryahan kale oo buuxin kara Van Persie hadii dhaawac uu soo gaaro.

Qandaraaska uu Podolski haatan kula jiro kooxdiisa waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, lakiin Daily Mail ayaa sidoo kale ogaatay in kooxda Cologne ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u imaanaya laacibkooda.