Francesco Totti Oo Sheegay Inuu Ka Fekerayo Inuu Ka Tago Kooxda Roma Oo U Mustaqbalkiis Dhan La Soo Joogay. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Francesco Totti Oo Sheegay Inuu Ka Fekerayo Inuu Ka Tago Kooxda Roma Oo U Mustaqbalkiis Dhan La Soo Joogay.

Francesco Totti Oo Sheegay Inuu Ka Fekerayo Inuu Ka Tago Kooxda Roma Oo U Mustaqbalkiis Dhan La Soo Joogay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 15-12-11 1:35 AM

\"\"

Kabtanka kooxda Roma Francesco Totti ayaa si carro leh kaga jawaabay eedeymo kaga yimid taageerayaasha kooxda isagoo sheegtay inuu ka fekerayo inuu ka tago kooxda uu mustaqbalkiisa oo dhan uu la soo qaatay.

35 jirkaan ayaa kulamo dhowr ah ciyaaray intii uu Luis Enrique macalin noqday xilli ciyaareedkan, welina shabaqa ma uusan soo taaban, isagoo qasaariyay rigoore muhim aheyd kulankii ay garoonkooda barbaraha 1-1 kula galeen kooxda Juventus.

Roma ayaa xagaagii lacag fiican galisay suuqa kala iibsiya ciyaartoyda, iyagoo soo iibsaday ciyaartoy la yaqaano oo ay ku jiraan labo weeraryahan Bojan Krkic iyo Pablo Osvaldo.

Isagoo u hadlayay Sky Sport Italia, Totti waxa uu sheegay: \”Waxaan ka fekerayay inaan ka tago Roma, gaar ahaan xilliyadii u danbeysay. Waan ka xumahay inaan maqlo hadalada qaar ee taageerayaasha Roma. Hadii ay dhib ku qabaan joogitaankeyga Rome, markaas waxaan sii wadi doonaa inaan ka fekero inaan kooxda ka tago\”

Totti ayaa kulankiiisii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda March 1993kii, iyadoo tababarihii hore Vujadin Boskov uu u xushay inuu ciyaaro kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Brescia isagoo 16 jir ah.

Weeraryahanka ayaa haatan kaalinta shanaad kaga jira ciyaartoyda abid ugu goolasha badan Serie A isagoo dhaliyay 207 gool 481 kulan oo uu ilaa iyo haatan saftay.

Roma waxa ay kaalinta 10aad kaga jirta Serie A waxaana ay axada u safrayaan kooxda Napoli.

 

12 Aragtiyadood ayaa laga bixiyay: Francesco Totti Oo Sheegay Inuu Ka Fekerayo Inuu Ka Tago Kooxda Roma Oo U Mustaqbalkiis Dhan La Soo Joogay.

  1. maxamed xuseen

    16-12-2011 at 12:01 am

    Kkkk sxbyaaal maya maya maya ugaaaska boqorka macalinka asroma waligiis matagaayo viva asroma viva totti cade viva tagerayaasha asroma iyo wiilka bakaaraha

    Waaan jeclahay inta taageerta asroma

  2. abu juve

    15-12-2011 at 5:44 pm

    iam so sory kabtan inaad nala joogto ayaan ku hesanaaaa waliba aad na iskala keen joogto elo capiatano hadaan arkeyno waanku heysanaa xataa hadaan aadno seri b waan ku gu hesanaaaaa

  3. moha

    15-12-2011 at 1:39 pm

    war ka tag dheh kooxda adigaaba la dagay fowdada iyo red card kada faraha badan iyo ganaxada ayeyba ka reysaneysaye koxda wax aad hada u heyso maba jiran oo an lugoyo aheyn

  4. aadan lageste

    15-12-2011 at 12:59 pm

    aad ayaan uuga xumahay in uu ka atago laacibka heerka caalami ee toti macalimuuu hadii u katagana roma waxay noqon diiintaa naadi iska heer dhexe ah amaba lagu tashto sida naadiyaasha yar yarka ah mar fakirkeyga ayaan cabiraayay waa slaamayaa dhamaan bahda sprtiga qasatan laaci.net salaama all

  5. f.totti

    15-12-2011 at 11:19 am

    waxan leyahay sory totti in badan tagerayashada wey ku amaaneyn halmar ay ku dhaleceyan wax ba ha u qaban ayan ku dhihilahaa totti waxad tahay wiilkii dahabiga ah waxa tahay gesigii roma viva tott even if you old no matter vivia totti kulanka napol ayan ceybta astureyna wadna arki dontan bahda laacib iyo tagerayasha as roma VIVA FRANCESCO TOTTI 4EVER

  6. Cabii AS ROMA

    15-12-2011 at 11:00 am

    Waxan ad iyo ad ugu xumahay in macalimu totti in sida lo galo lkn ani ahanteyda isma dhahayo totti aya koxda katagayo madama umustaqbalkisa ku dhameyay roma totti dhag ha udhigin hadalada tagerayasha viva viva totti

  7. Abdirisak

    15-12-2011 at 10:17 am

    Runtii waa wax laga xumaado in macalimuu Totti uu ka soo yeero dhawaaqaan sidaan ah but markasta Totti waxaa loo hayaa qadarin aad u weyn mana filayo in uu maanta isaga tago si´aan xushmad laheen kooxdii uu intaan ku soo lumiyay mustaqbalkiisa,,,,,,,,,,, Totti waa ciyaar yahankii ugu fcnaa ee soo mara roma iyo itally qarnigiisa Totti waa wiilka dahabiga ee roma….. marka taageera yaasha wax ma garatka ee waqtigaan ku soo biiray taageerada roma yuusan hadalkooda eegin iyo war xumidoona guul iyo guul daro Totti waa roma xidigooda ilaa inta uu ciyaaraha ka fariisanayo……….. viva totti

  8. Aadan deeq

    15-12-2011 at 8:46 am

    macalimu Toti waxa uu marayaa wadadi dalbiero 16 jir-ilaa-35 jir ayuu waqtigisa u huray intee naadi ayuu ka diiday dalab uga yimid hal rigoro oo kaliya in logu marmarsiyodo miyey shekadu maraysaa waa mida aa qabanin macalinka

  9. maweel roma

    15-12-2011 at 6:57 am

    aniga ma aminsanin inu ka tagaayo kooxda roma ciyaar yahanka lagu magacabo true roman e francesco totti waa kaliya halyeyga aan ku faaneyno mustqbalka fog

  10. Qaasim Totti and Jose Enrique 3 Caalamka

    15-12-2011 at 2:53 am

    Waxaan Wa Hadal Uun Sidaa Aaminsanahay Maestero Francesco Totti hadii uu baxaaayo wuxuu Bixi Lahaaa Isagoo Da’yar marka ma idiinla Tahay naadi Uu Joogay 19 Sano Inuu Hada Ka tagaaayo Isagoo 35 Jir ah Waa Maya Runtii No Totti No Party Waa Halheeska Lagu Yaqaaano Taageerayaaasha Giallarossi waana Sax Totti La’aantiisa Farxad Ma Jirto Viva 4 ever Totti Cade

  11. Janan10

    15-12-2011 at 2:17 am

    Sory totti italian fanns whit out respect allways ,, waa lagu yaqana italy anshax la,aanta gesiga juve delpiro iyo totti maha sida in loo galo lkn somali iyo italy waa some shit sory

  12. shaafici

    15-12-2011 at 1:43 am

    hehhehehheh see cml he ina ciyaraha ka firsta inu dhaha aya laga rabi 35 jirtahe iskaga fadhisa kubada intadan ceb kala ka so garin