Guushii Valencia Ee 7-0 Oo Qeyb Ka Noqotay Rikoorka Champions League Ee Kulamada Ugu Guulaha Badan. | Laacib.net
Home » Champions League » Guushii Valencia Ee 7-0 Oo Qeyb Ka Noqotay Rikoorka Champions League Ee Kulamada Ugu Guulaha Badan.

Guushii Valencia Ee 7-0 Oo Qeyb Ka Noqotay Rikoorka Champions League Ee Kulamada Ugu Guulaha Badan.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 24-11-11 10:52 AM

\"\"

Ciyaaryahan Roberto Soldado ayaa seddexleey u dhaliyay iyadoo Valencia ay 7 gool iyo waxba ku xaaqday kooxda Genk mid ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee koobka UEFA Champions League oo xalay dhacday.

Kooxda reer Spain ayaa lugtii hore kooxda barbaro 0-0 ah la soo gashay, lakiin waxa ay xalay u baahnaayeen guul ay dib ugu soo kiciyaan rajadooda ay ka leeyihiin inay sii joogaan tartankan ugu weyn yurub.

Seddex gool oo uu dhaliyay weeraryahanka ay u saaran tahay Soldado, labo uu dhaliyay Jonas, iyo goolal ka kala yimid Pablo Hernandez iyo Aritz Aduriz ayaa siiyay kooxda Unia Emery guul rikoorka Champions League dhinaca ka galeysa, Waana guushii ugu weyneyd ee koox Spanish ah ka gaarto Champions League, inkastoo Real Madrid ay 8-0 kaga badisay Sevilla koobkii hore ee Yurub 1957 -58.

Waxaa kooxda guusha ugu weyn ka gaartay Champions League ay tahay Liverpool, markii ay 8 -0 kaga badiyeen kooxda Besiktas xilli ciyaareedkii 2007-08, waxaana markaas macalin u ahaa macalinkii hore ee Los Che Rafa Benitez.

Valencia ayaa haatan waxa ay ka mid tahay afarta kooxood ee ku badiyay 7 gool iyo waxba ee koobkan Champions League iyadoo ku biireysa Arsenal, Juventus iyo Marseille kuwasoo guulo intaas la eg ka gaaray kooxaha Slavia Prague, Olympiakos iyo Zilina, sida ay u kala horeeyaan.

10ka Kulan Ee Ugu Guulaha Badan Champions League:

\"\"

Inkastoo ay guul weyn gaareen xalay, hadana taasi Valencia uma xaqiijineyso inay u soo baxeena wareega xiga, waxana ay u baahnaan doonaan inay gaaraan guul si ay ugu gudbaan wareega 16ka. Inkastoo barbaro goolal wata laga yaabo inay ku soo bixi karto kooxda reer Spain marka ay booqaneyso Stamford Bridge.

Dhinaca kale ciyaaryahan Roberto Soldado ayaa dhaliyay seddexleeydii ugu dhaqsiyaha badneyd Champions League tan iyo 2003dii markaasoo Alan Shaerar uu seddexleey 36 daqiiqo gudaheed uga dhaliyay kooxda Leverkusen.

Xalay Soldado waxa ay ku qaadatay inay seddexleydiisa ku dhaliyay 38 daqiiqo gudaheed.

Didier Drogba ayaa isna soo galay kaalinta 8aad ee ciyaartoyda ugu goolasha badan tartanka Champions League abid, isagoo dhaliyay goolkiisii 34aad, waxaana kaalintaasi kala baxay Morientes. Ciyaaryahankii hor eee Marseille ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan Champions League ee ka soo jeeda Africa.

10 Responses to Guushii Valencia Ee 7-0 Oo Qeyb Ka Noqotay Rikoorka Champions League Ee Kulamada Ugu Guulaha Badan.

  1. xarbi cadde Reply

    25-November-2011 at 5:43 am

    valencia waxan urajeynaya kulanka ugu dambeya ey laciyaari donan chelse guul roberto saldado kacabso wuu kacsanyahay yuusan kudardarin hayey chalse

  2. Lucky love Reply

    24-November-2011 at 6:20 pm

    Sxb anigaa kula talinaayo ee hadaa chelsea nacday arsenal, liverpool,ama man city mid taageer anaa kaa naxaayo man untd ha isku taageerin

  3. Lamaak jijigaawi Reply

    24-November-2011 at 2:28 pm

    Adiga nin yohow qasim totti xishoo oo waxan iska dhaaf rugby da adaa fikirka xuna iska daa yaanan lagu nicine

  4. ABDI YARE LFC Reply

    24-November-2011 at 2:01 pm

    Asc dhaman asxabta qaasatan fans lfc si gaar ah Captan-Abtidoon iyo mr-Caaqil114 hadii aan ka hadlo koxda valencia xalay kox ayaa u jabtay lkn xalay wan yaabanaa iskoorkenii ayey u soo dhigatay lkn wan ka baxsanay in naga jabiyaan mida kale kooxaha uk sanadkan mesha wax kuma hayaan waxa wajibkeda ka soo baxay wa Arsenal waxan leeyahay awalba yurub waxa idinka celin jiray ama wax la qeybsan jiray waa liver ee mesha ka tagaa boskeeda sanadkan wa bananka insha allah waxan qiyasayaa in 3koox kale waxa raja leh lugtoda ku xirantahay in ay soo baxan wa man u iyo chelsea man city ayada wa ku deesay oo waxay gashay guruubka naarta wa rayigeega mahadsanadiin

  5. Aadan deeq Reply

    24-November-2011 at 1:06 pm

    Valencia waa in lagu maxkamadeya xasuuqa ay geysteen waayo waxey dharka ka bixiyeen koox dhan oo wadan u mataleysay chambion ka kkkkkkkkkkkkkk

  6. aadan lageeste Reply

    24-November-2011 at 12:25 pm

    waa macquul guushaan oo klae waxaaana la oran karaan waa kuul muhiim ah una ah kooxda valcia lkn waxba kama shegeso horyaalkaan waa mid ay is kugu imadaan kooxaha yurub oo dhan marka ha iska soo baxdo waa loo jooga waxa ay shegto waana u hambalyeeneena hadii aaan nahay madrid

  7. kt Reply

    24-November-2011 at 11:55 am

    kkkkkkkk bes wayea ani mago chesea wa nacay hada ka dib man untd aa taageraa . viva man untd ., by dj qalbi holcay

  8. Ramse groub arsenal Reply

    24-November-2011 at 11:52 am

    Arsenaal new cop and tha best pleyar rvp

  9. Qaasim Totti Reply

    24-November-2011 at 11:36 am

    Wooooooooow Los Che Valencia Nabee wax Baa Ka dhacay Xalay Masraxa Mastella Stadium Valencia Ee Dalka Spain Waxaa Rajaynaaa in Kulanka Soo socda Ee aan Boooqan Doooono Naaadiga Blues-ka Iyo Garooonka Stamford Bridge waxaaa Ka Rajaynaaa In Guuuul Lamid ah Guuuushaaan camal Aan Ka Helno Naadiga Rugby Team kkkkkkk Viva Los Che And roberto Soldado kkkkkkkk

  10. madey malagow Reply

    24-November-2011 at 10:59 am

    valencia seven yoo wale koxdhe chelsea wadkabadindonta ha welwelin valencia 5 chelsea 2 kulanka so socda

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>