Arsenal, Leverkusen, Iyo APOEL Oo Soo Baxay, Barca Oo Garaacday Milan, Chelsea Oo La Tumay. | Laacib.net
Home » Champions League » Arsenal, Leverkusen, Iyo APOEL Oo Soo Baxay, Barca Oo Garaacday Milan, Chelsea Oo La Tumay.

Arsenal, Leverkusen, Iyo APOEL Oo Soo Baxay, Barca Oo Garaacday Milan, Chelsea Oo La Tumay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 24-11-11 8:48 AM

\"\"

Kooxda APOEL Nicosia ayaa noqotay kooxda ugu horeysay ee Cyprus ee gaarta wareega 16ka Champions League, halka Arsenal ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingariis ah ee wareega 16ka u soo baxda xilli ciyaareedkan, halka Chelsea xaaladeeda ay ka sii dareyso iyadoo Bayer Leverkusen ay u soo baxday wareega 16ka.

Kooxda koobkan difaacaneysa ee Barcelona oo iyaga mar hore soo baxay ayaa xaqiijistay booskooda kaalinta 1aad ee Group H ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen AC Milan oo marti loogu ahaa San Siro.

Gool uu dhaliyay Manuel Friedrich daqiiqadii 90aad ee ciyaarta ayaa u sahlay kooxda Leverkusen inay 2-1 kaga badiyaan kooxda Chelsea, kuwasoo haatan u baahnaan doona inay ka badiyaan Valencia marka ay Stamford Bridge imaato ama ay ku qabtaan barbaro goolal la\’aan ah si ay ugu soo baxaan wareega xiga.

Didier Drogba ayaa kooxda martida aheyd hogaanka ugu dhiibay gool qatar wax yar ka dib markii xilliga nasashada laga soo laabtay, lakiin goolkii uu madaxa ku dhaliyay Eren Derdiyok iyo goolkii guusha ee Friedrich ayaa kooxda martida loo ahaa iyo ciyaaryahankii hore ee Chelsea Michael Ballack ka dhigay kuwa helay guul weyn oo ay u dabaaldegaan.

\”Waxaan u maleyneynay inaan kulanka gacanteena uu ku jiro markii ay aheyd 1-0 sababtoo ah koox isku xiran oo adag ayaan aheyn\” ayuu yiri tababaraha uu cadaadiska saaran yahay Andre Villas-Boas, kaasoo laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee u danbeysay Premier League.

Kooxda Valencia ayaa kululeysay kulanka ugu danbeeya ee Group E ka dib markii ay todobo gool u dhiibtay kooxda ugu hooseysa ee Racing Genk, iyadoo Roberto Soldado uu dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay.

Barbarihii gool la\’aanta ee  APOEL ay la gashay kooxda Zenit ayaa u sahashay kooxda ka socota jasiirada Qubrus inay markii ugu horeysay u soo baxaan wareega xiga ee Champions League.

APOEL ayaa ah kooxda kaliya ee aan weli laga badin Group , halkaasoo kooxda FC Porto ay 2-0 ku garaacday kooxda Groupka ugu hooseysa ee Shakhtar Donestk si ay nooleeyaan rajadooda u soo bixitaanka wareega 16ka oo markaan isku heystaan kooxda Zenit.

Mashiinka goolasha Arsenal Robin van Persie ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Arsenal ay 2-1 kaga badisay kooxda Borussia Dortmund oo soo booqatay Emirates, iyadoo Arsenal ay ku dhameystay halka ugu sareysa ee Groupka, waxaana ay sameeyeen waxa ay ilaa iyo haatan ku guuldareysteen Manchester United, Manchester City iyo Chelsea, kuwaasoo weli aan u soo bixin wareega 16ka.

Kooxda kale ee Group F kula jirta Arsenal ee Olympique Marseille ayaa ku guuldareysatay inay iyadana booskeeda wareega 16ka sii carbuunato ka dib markii guuldarro 1-0 ah ay ka soo gaartay kooxda Olympiakos Piraeus.

Dhowr siyaabood ayaa macquul ah kooxda labaad ee Groupkan ka soo baxeysa lakiin hadii Marseille ay ka badiso kooxda Jarmalka ee Borussia Dortmund markaas waa ay u soo bixi karaan wareega xiga.

Dhinaca kale gool uu iska dhaliyay Mark van Bommel kulankii uu ka horyimid kooxdiisii hore ee Barca ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 14aad ka dib hor inta uusan Zlatan Ibrahimovic oo isna ciyaaryahan hore u soo ahaa Barca uu barbareyn.  Lakiin Lionel Messi ayaa hogaanka ugu dhiibay gool rigoore ahaa oo uu markii hore ku muteystay inuu ku qaato calaamada hurdiga.

Gool si fiican loo dhameystiray ayaa ciyaaryahan Kevin-Prince Boateng uu ku barbareeyay kooxda Barcelona, lakiin Xavi ayaa qosolkii ugu danbeeyay lahaa markii uu kooxdiisa u xaqiijiyay guushii ay ku gaareen San Siro.

Barcelona waxa ay haatan haatan xaqiiqsatay booskeeda koowaad ee Group H, inkastoo iyada iyo AC Milan ay goor hore ka soo baxeen Groupkan.

71 Responses to Arsenal, Leverkusen, Iyo APOEL Oo Soo Baxay, Barca Oo Garaacday Milan, Chelsea Oo La Tumay.

  1. Sade cabdul Reply

    26-November-2011 at 10:23 pm

    A.s.c w..r w..r muslimiinta gaar ahaan tageerayaasha naadiga barcenola waa ka adagnahay waxaan yar yar ee nagu soo aadamay k.k.k.k.k.k.k.k. Gusha waa anaga

  2. Naim0 ViVa ArSeNaL Reply

    26-November-2011 at 11:11 am

    Asc Dhmntn.Runti Ma Jeclayn in An Comment Dhipto Lkn Amal Adiga Darta.Wakaqaday Slntda Sharafta Padan Tas Cml Iga Qabso Mcnto.Jaale Ramsey Wlh Wad Iga Qoslisay Manta Lkn Waxad Ilawday Alex Song O Durpanka U Tumayey Koxda.Man Of Da Match Ka Lama Ilawo Yaqey.Amal.Lucky Mcny Namberki Tageere Sare[hamdi] iso pass,Sms Ahan Yah.by&Brav0 Ol GooNerz

  3. swtluver786 Reply

    25-November-2011 at 10:04 pm

    asc, awl pple salan rare. R.v.persie markisa horewa lacib ayu aha e waqtiga aya saacidin marka cayar wa gelin dambe aya layiri. Markan gunners aya calanka sida. E haloga lexdo wadada. Move miway cml, wad baraneysan rer man utd, chelsea, lol. Thanx al arsenaley.

  4. Raaaamseeeeeeey Reply

    25-November-2011 at 8:24 pm

    Asc dhamaan tagarayasha nadiga arsenal wan ku faraxsanahay gusha an garnay u so bixitanka warega 16ka <miraha waxa iska leh arse wenger laxanki arteeeta musigi thio wollcot codki r.v.persia habeyti song & gervinho aragti wacan ciyarti ficneyd ay so ban dhigen xidiga aduunka e sanadka arsenal best team in the world {wana qadayna championka}

  5. Robin van persie Reply

    25-November-2011 at 3:31 pm

    Asc dhamaan musliminta meel kasto ay joogan gaar ahan ku arsenal arsenal waa kooxda ugu banoonida fican england macallinkeena wenger iyo laacibinka kooxda gaar ahan laacibka robin vp waan idin salamay insha allah waan qaadi doona champio i love arsenal

  6. Arsenalove Reply

    25-November-2011 at 1:52 pm

    man u, chelsea, man shiekh, uefa cup noo shida sanadkaan si labada koob ee uerope xamaasad iyo xiiso u yeeshaan, viva vangol viva ryo miyaichi

  7. Miki yere arsenal Reply

    25-November-2011 at 11:33 am

    Fantastic v.persie fantastic arteta fantastic wellcot

  8. Jeeleramsay Reply

    25-November-2011 at 10:33 am

    Asc dhaman tagareyasha arsenal wan ku faraxsanahay u so bixitanka arsenal miraha waxa iskale wenger laxanka waa arteta music waa ramsay halka codka u leyihiin gervinho iyo wolchot waxane ku luqayay van peir marka waxa lagu magacawe heesta gul arsenal sanadkan wa sanadki arsenal waxa nahaye wa faris farisko wa fabrigas gul wacan arsenal insha alah

  9. Amal.Lucky Reply

    25-November-2011 at 9:11 am

    Waaaw marka hore sln kal iyo lap ah waxan hawada u marinaya arsenal fans iyo walaha macqulsome iyo webka lacib net iyo Naima arsenal sigar ah ankusalamaya zister miss u and inta sportiga xiseyso marka xigto wan filayay inan garno gulahan isdapa joga ah sida tano hadan ahay arsenal fans wana sodhaweynaya horomarka teamkeyga qaliga ah waxan hambalyo u diraraya arsenal fans mel kasta oy dunida kajogan congratulation an idin leyahay viva r.vp viva t.v viva arsenal players viva arsenal fans viva inta sportiga xiseyso

  10. Caqli Reply

    24-November-2011 at 8:00 pm

    haa waar Arsenal meel gaadhi mayso ninkaasuunbaa loogu qaatay kaasina arin ma hayo waayo nasiib uun buu hayaa, nasiibkuna meel gaadhsiin maayo.

  11. Ahmed abdilahi sahasome Reply

    24-November-2011 at 7:32 pm

    Marka hord salaan sare all taageerayaasha kooxda dahabiga ah e arsenal marka xigta ani waxaan qabaa shaqada uu qabtay captan vanpersei inaysan jirin ciyaartoy qabtay marka way iska cadahay rvp inuu yahay laacib mudan in lagu xisaabtamo

  12. Viva som boy viva arsenal Reply

    24-November-2011 at 6:22 pm

    Asc dhaman all muslim ppl sln ka dib suppt arsenal sln sare wad aragtan lion of gunrs viva v.goal lion of english

  13. cabdi brother Reply

    24-November-2011 at 5:26 pm

    waxaan salaamayaa dhamaan dadka xiiseeye sportska khaas ahaan taagerayaasha arsenal waad ujeedaa in kooxaha ingiriis oo dhan in ayada xaqiijisey in ay usoo baxdo wareega 16 naad waa khibradii arsenal laxankii Robin van perse laacibka goolasha waa figradii arsen wenger hamoogaan hana kamaqnaa arsenal

  14. rvp Reply

    24-November-2011 at 4:50 pm

    Asc dhaman asxabta salan sare dhamantin maarka xigta cayarti xalay walhi cadi mahayn lkn barca waa badisay lkn goolki prince baa iiqanciyay cadi mahayn kasan xalay kusexday iyo badinti arsenal libax yasha englend nadii engrisa oo kaga fiican yurub majiro marka viva rvp iyo song iyo arsenal baa

  15. xakiim Reply

    24-November-2011 at 4:37 pm

    asc, dhammaan asxaabta Sportiga xiiseeya.
    run ahaantii Barca & Milan waxay soo bandhigeen Ciyaartii laga filaayay mid aan ahayn, waayo Ciyaarta Caajis ayay u muuqatay. waxaana filaya in 2-dooda mar kale isku arki doonaan Champions League mar kale.
    dhanka kale, Chalsea Nasiib darro ayaa ku habsatay, qof walibana dhinac ayuu eedda saaraa. lkn aniga waxaan isleeyahay Chalsea Musiibo ayaa haysta.

  16. Liyoonta macqulsome Reply

    24-November-2011 at 3:55 pm

    Thankz Quman qaali waan ka gudoomay hambalyada in badan waad mahadsantahay viva inta aqoonta u leh isportiga iyo wepkena qaaliga ah

  17. Maxmud Reply

    24-November-2011 at 3:51 pm

    Wan ku faraxsanhay so bixitanka arsenal markan waxan u heysta barca in an mel sari karno wayo wa libax gunnerka cadi ma’ahan ciyar fantastik ah ayey so bandhigeen arsenal guul barca hoos rubin vanpersi gervinho

  18. Cesc_fabregas Reply

    24-November-2011 at 3:34 pm

    Waxasa ka dhaliya ah rvp10 ka cabso xidiga gol dhalinta ku canbaxay anaba ka yabay dadka dhana wey ka yaben ka cabsada tageryash man u chelsea &liverpol weli mabaran miya asaga iskin bara kacabso kacabso viva macalinka qibrada badan a.winger&rvp10&arteta&aron&song&wilshere

  19. Diyeeshe yare gunners Reply

    24-November-2011 at 2:39 pm

    Arc dhaman mus limiinta mel walba oo jogtan qasatan dadka xiiseyo sportiska waaaaw wan kafilayey in ay uso baxeyso 16ka wan ku farax san nahay hadan nahay taageera yaasha arsenal wan qadey naa chanpion shipka hadii ala idmo way soo lawatay kal sonida gunners waxaa nosobaxay lacib an laheli karin oo ku can bax sida goolasha loo dhaliyo robin v.persie tagera yasha waxay ku lee yahin ku sii nagow fly imarates viva winger and v.persie and arteta guuuuuuul arsenal

  20. ahmed america Reply

    24-November-2011 at 2:12 pm

    asc all sxbta sharfta leh e ku xiran laacib melkasto daafaha dunida ka jogtan wa idin slmy gar ahan taageryaash nadiga chelsea wax kasto nagu dhaco mal mahan wax sabab u ah wa macalinka hadin an xalada chelsea wax lag badlin wa qatar

  21. $îR ~ ÄHMÆÐ ÇäRRîÇk Reply

    24-November-2011 at 2:04 pm

    Lamaak Sxp Waan ka Qaaday Slntaada Qiimaha Bdn Mid Lamid ah iga Han0

    then Kooxihi Xalay So Baxen Waa Lo Hambalyeynayaa Kuwa Dhiman ayagane Wey So Bixi doonaan

    Viva Man R___E____D

  22. m/daahir Reply

    24-November-2011 at 1:58 pm

    layaab van goal waa caadadiisa lkn chelsea sanadkan wa beerta Ac milan nasiibka diiday real waybo ladhalatay koobkan marka ciyaartu maxay tahay ma nasiba mase

  23. Aarmessi Reply

    24-November-2011 at 1:51 pm

    Asc dhaman bahda sportiga marka xiga waxan salan qas ah udiraya asxbta lcb.net e marwalba isku mashquliya hori u kicinta sportiga marka xiga hadi an ka hadlo kulanki ka dhcy san siro waxu uha kulan ad u ficn wayo barca wey ciyartay milane si fcn bey u ciyarta waxa u aha weerar iyo weerar cilis inkasto milan ey ka ahey hadi kubadu ku dhaafto yusan ku moodin shaqsiga. Mida kale waxan lagayaba mucaradka barca hadi ey guul gaarto waxey leyihin wa nasib hadi laga badiyane waxey leyihin wa awod lo sheegtay. Hadi an jwb siyo koronto sxb sare kubadan anaga wan ciyarna uma ciyarno iska doondoon e waxan u ciyarna in an badino ama nagala badiyo bareejane mesha wey ku jirta. Viva bluarant. Be ofraid of where ever u are FCB. By aarmessi

  24. Quman Reply

    24-November-2011 at 1:34 pm

    asc dhamaantiin, Habalyo dhaaan asxaabta kooxohoodu badiyeen xalay, gaar ahaan liyoonta oo xalay guul gaaray Hambalyo,, Qasim totti wllo waan kaa qadayt salntada intad xustayna waan salaami,, Hala Madiiiiiid!!! Viva ozil.

  25. Lamaak jijigaawi Reply

    24-November-2011 at 1:26 pm

    Qaasim toti anigu kuu jawaabi maayo waayo cunug hada kala bartay kubada ayaad tahay sorry hadaad nin tahay yaanan lagu waayin malinka chelsea vs los che

  26. yaasiin Reply

    24-November-2011 at 1:23 pm

    asc dhmaan bahda sportiga aniga waxan dhihi kara ciyaarti xalay Ac milan vs barc waxey ahet ciyaar fcn in kasto xalay nisibka ku heshay koxda barca iney ka badiso ac milan kubadane wa cad iyo madow

  27. Liyoonta macqulsome Reply

    24-November-2011 at 1:18 pm

    WAAN IDIN SALAAMAY DHAMAAN AQAYARTA SHARAFTA LEH IYO WEPKA TAGAY AAN LA TIIGSAN KARIN SLN KADIB SXBO SARE QAASIM TOTTI AND ALI BILE WAAN IDIN KA QAADAY SALANTA SHARAFTA BADAN MID LA MID AH IGA HANTA INTAAT SALANTENA WAAN SALAAMAY Then WAAN KU FARAX SANAHAY GUUSHA XALAY AAN KA GAARNAY DORTUMND VANGOAL INTU JOOGO GUUSHA WEY ISKA SOCONEYSA TEEDA KALE WAAN KA XUMAHAY GUULDARADA KU DHACDAY ROSSONERI HORA LOO YIRI GARI LABO NIN KAMA WADA QOSLISO MILAN CIYAAR FCN AYEE SOO BANDHIGEN HADAN GUUSHA BARCA AYEE RACDAY ROSSONERI SANADKAN WEY KACSAN TAHAY XALAY SIDA EY U CIYAAREYSAY AYAAN U JEEDAY SANADKAN MEEL FCN AYEE KA GAREYSAA UEFA CHAMPION league VIVA GUNNERS AND LAACIB.NET AND MACQULSOME

  28. ladane Reply

    24-November-2011 at 1:09 pm

    asc waa salaaman tihiin dhamaan asxaabta sportiga waxaan si gaar ah u salaamayaa taageerayaasha kooxaha kor ku xusan salaan kadib waxaan leeyahay sorry taageerayaasha chelsea waayoo guul darooyin ayaa nada dhigtay waxaasa sabab u ah guul daradaas hadii aan qiyaaso fakir ahaan tababaraha inti fakirkaas ugu khilaafsane waa soo dhawaynayaa mida kale hadii aan wax ka i raahdo kulankii milan iyo barc runtii way ciyaartay milan lkn waa laga badiyay dhib malahan qaladkaas dib ayey milan u sixi doontaa ok nabadeey

  29. Aadan deeq Reply

    24-November-2011 at 12:48 pm

    Bevo solo cuba ibra

  30. aidaruus.toom Reply

    24-November-2011 at 12:30 pm

    run ahaantii waxaa hubaal ah in labada naadi ay yihiin labo kooxood oo kubada xariif ku ah waa barca iyo milan waxana ay dadku wada sugaayeen badis ama bareejo inkastoo aan ahay tageero barca hadane waxan leeyahay tageero milan kubada waa guul iyo guul daro marka waxan idiin rajeynaaya in aad meel haboon ka gaartaan the champions leage haddi aan wax qalad ah aan ku hadlay iga raali noqdo ileen ibini aadam baan ahaye salaamulah cleykum

  31. Aadan deeq Reply

    24-November-2011 at 12:26 pm

    Sxb koronto waa sida kuu muqata barca hadii ay tahay koxdii aan aragnay qaab ciyaredkeda waxaa igala adag Napoli koxda adunka ee la shegayo waxana hubaa hadii finalaha aan isugu imaano inaan afka ciida u daridoono tan kale qaladki u sameyay nesta rigoradana uu sarifay messi isla qaladkas noocisa waxa lagu galay aguillani lkn nasib daro garsorihi ciyarta wuu iska indha tiray qofki dawaday ciyartas ayaa ogaa guntii tagerayasha AC guldaradi xalay waxey inoo aheyd tijabo fiacan rajada maanta aan kalenahay koobkan wey ka sareysaa sidii shalay salaama dhamaan akhristayasha ku xiran webka sharafta leh ee laacib oo inoo sura galiyay inaan noqoo hal qoys oo kale fikradahodana ku wadaga halkan

  32. Kkkkkk Cali Bile Reply

    24-November-2011 at 12:22 pm

    Marka Hore Waan Ka Xumahay Guuldarada Soo Gaartay Ac Milan Inkasto Ay Kubad Qurux Badan Soo Bandhigtay Hadana Guuldaro Ayaa Soo Gaartay Dhanka Taageraysha Barca Waxan Leeyahay Hambalyo Xalay Waxay Ahayd Markii Ugu Horeesay Oo Uu Lionel Messi Gudaha Italy Gool Ku Dhaliyo Sln Sare Saxibkay Qaasim Totti Inta Aad Xustayna Waan Salaamayaa

  33. Robin van persie Reply

    24-November-2011 at 12:20 pm

    Arsenal waa uqalanta iney hanato kobkan viva r.vanpersie and ramsey and song and arteta viva gunnrs

  34. qaliif Reply

    24-November-2011 at 12:18 pm

    waidin salamay dhaman gar ahan fanska El barca cayarti xalay dhacday waxey ahayd mid xiiso badan balse si sahlan guushu kuracday kooxda aduunka macalin XAVI HARNENDEZ LIONEL MESSI KEITE masuliyinti xalay kuwas bey ahayen cesc + thiago DHINACA KALE EPL SANADKAN ARSENAL BA MATALEYSA UEFA EUROPCUPE XIISO ayu leyahay sanadkan chalsea man united man city viva sergio busquets

  35. Ilmi yare Reply

    24-November-2011 at 12:07 pm

    Waad salaaman tahiin bahada wpka lacib marka xiga waad salaman tahi tagerayasha barka ambitinka waa lo dhashaaa milan xalay waan dhaqalestay hadan jumla lo dhibin sanadkan cid nagama laha koobkan yaan lagu murmin

  36. Mr.kaanib Reply

    24-November-2011 at 11:58 am

    Wax iska cad ayey ehed in odoyaasha millan lagu garaacayo guriigod lkn waxa la yaab leh chelsea oo lagu soo lagday germany

  37. saciid yare Reply

    24-November-2011 at 11:33 am

    asc dhamaan aqyaarta waanku faraxsanahay gusha arsenal waxanku soconaa sidii aan ahen 2006 wana tagi donaa finaal

  38. Caaqil114 Reply

    24-November-2011 at 11:30 am

    asc waa guul loosoo halgamay waana loo baahnaa in kaalinta koowaad aykusoo baxaan hambalyo taageerayaasha barcelona…

  39. Mascuud axmed Reply

    24-November-2011 at 11:17 am

    Wiilasha wengar waa dadaaleen waxaa eyna xaqiqsadeen kaalinta kowaad oo guruubkooda xili ciyaaredkana iyagaba england ugu cad cad wenger iyo xertiisa waxaan sugeynaa halka ey ka gaaraan tartankaan

  40. Anisa Ladan Reply

    24-November-2011 at 11:13 am

    Wooow Walee Ciyaar Ba Kadhacday San siro. Xalay Waxaan Ku Farax Sanahay Inan Kaalinta Kowad Kusoo Baxno.Waliba Aan Home Kooda Kusoo Tuno Milan Boolo.Kkkkkkk Aawaye Dadkii Laha El-Barca San siro Kuma soobadin Kadho Iyo Ibra haad Ku Faanayseen Muu Barca Idinka Dhiciyo Idinko Waliba Gurigina joga? Runtii Xalay In Laqaraaco Odayaashi Milan Waa Uqalmeen. Kkkk Anagay Nagala Hor Imanayan Idoyal Ayka Dhamatay Waa horo.Halka Anaga Aan Wadano Xidigo Ku Ligood Wada top.ah Ku Lankii Camp Nou Kadhacay Bayna siib Ku Baxsaden Marke Mar Walba Nasiibka Maad idinla Jiraya. Kkkkk. Hambalyo Dhamaan Fans-ka El Barca. Viva Maestro Xavi& Leo Messi Viva European Champions And Spanish Champions.

  41. madey malagow Reply

    24-November-2011 at 11:12 am

    yaakhey barca yaan ugu cishtikonaa guul guul war waxan cilkey u qaban maxaytahay koobabka mise bada lagasogemey yoooo reer arsenal kkk FIDHIDI KATI IYO FAQIR WAL LAHADI FIFAANTIMAYANG KKKK

  42. Riisa Reply

    24-November-2011 at 10:55 am

    Waxaan dhehe karaa arsenal guul wacan man unt man cty iyo chalsea waxan dhehe lahay iska nasta waad dasheen

  43. Ibraahin Reply

    24-November-2011 at 10:49 am

    Ac milan wanadi weyn waxana macqul ah sanadkan in ey qado madama ey lidato man uneted marka waxan u rajeyna marwaliba gul ac milan

  44. Bille Mohammed Reply

    24-November-2011 at 10:48 am

    asc alll mandeq see cml Pall postion maba gara waxad soo qortay huuno waa sidee waliged my dhicin barce is the biggest power in the wolrd marka isku noqo oo isa soo sax thny all viva our team barce 62_67 tas waxa ay ku tusaysa in barca la tumi karo
    lakin madama u ibrahimovic gool ka dhaliyey barca waan u qapa in laga padiyo ac milan
    gul man utd

  45. Wilshe Reply

    24-November-2011 at 10:47 am

    Viva v.barsie wan u maleynaayi in ay soobaxeysa arsanal viva arsenal

  46. Cabdi mahad Reply

    24-November-2011 at 10:45 am

    Asc dhamaan bahda sporti ani waxaan ahay tageere barca barcenlona. Waa kooxda aduuna taa cid daah kama saarna dadka dhahayo milan ayaa baarka ku dhagikartane wey riyoodeen waad arkeydeen xalay sida aan wax u galnay kkkkkk viva barca mesi and xavi

  47. Qaasim Totti Reply

    24-November-2011 at 10:31 am

    Kkkkkkk Aboooo Yaaa Iga Celinaaayo Rugby Team Ileeen waaa Kacsanahay waaa La Ii Jeedaaayeee Waleeee Daaafaca Jilcan eeee Rugby Team In aysan Celin Karin Goooldhaliyaha weeeeyn eee Roberto Soldado Kkkkkkkkk Viva Los Che And Roberto Soldado david Albelda Migueal Javier Hernandez kkkkkkkkk Viva Kabtanka Webka Kabtan Khaliiif Qabiiirka webka Macalimuu qadar Barca Liyoonta macqulsome Samiiir Nasri Kkkkk Cali Bile Kabtan abdi Dooon Gabadha Wabka Quman Sharaf Iyo dhamaaan asxaaabta Reds Roma Iyo Los Che salaaan Idiin Soo Marinayaaa Hawada sare

  48. xarbi cadde Reply

    24-November-2011 at 10:28 am

    viva barca viva arsenal runtii xalay waxa ciyaar xiiso badan dhaxmartay kooxaha ac milan and barca runtii milan waxey mujisay in ey tahay naadi weyn awoodeda dhan waxey iskugu geysay xalay in eey badiyaan laakin meesha yaa jogay malees weediiyay barca ayaa jogtay meel libaax soogalay lo’ majoogeso milan xalay wey uqalantay in looga badiyo 3 iyo 2 waayo dadaal badan ayey sameeyen mooye intaasba waalooga badin lahaaa by asxaabta

  49. Lamaak jijigaawi Reply

    24-November-2011 at 10:21 am

    Cindak waxan ku way diiyay {arsenal xaladii ay martay mid ka fudud ayaanu maraynaa 8 iyo 2 la ii gama badin epl na waan kaa horeeyaa championa waa xaqiiq, markaa arsenal oo ah vanpersie kaliya miyaad ku faanaysaa chelsea way kaban doontaa wanad taqaanaa chelsea waana inoo seasonka danbe

  50. Cabdi Reply

    24-November-2011 at 10:00 am

    Viva barca aaway reer A C milan sansario hadduu ahaa godka naarta xalay wuxuu noqday godka barafka

  51. J.matta.boy. Reply

    24-November-2011 at 9:56 am

    Waxaan la yaabanahay canugaan avb la yiraa. Chelsea waxuu u yimid in uu burburiyo kooxda. Horyaalki waxuu ka noqday custum. Jaanbiyoonka in uu harayo ay u muuqataa. Marka abromavic ma waxuu sugayaa inta nagala reebayo koobabkoo dhan. Runti kan macalin ma u qalmo xitaa ku xigeen macalin. Marka taageerayaasha chelsea ha iska sabraan. Intuu avb barbaratooy joogo kooxda guul iyo koob malahan. hada ka hor waxaa naadiga chelsea dhisay macalin j.morrinho sanadkaana waxaa burburinaya kuxigeenkiisi hore j.morrinho ama kabo qaadkii hore j.morrinho. Chelseana waxay ahaan doontaa sideedi hore ee ay ahaan jirtay intuusan morrinho imaan chelsea. Oo ah koox aan laga cabsan kana cararta seero b sida walvarhamton oo kale. Hadaba chelsea this time is broken. Ninkii dhuuman lahaa iyo ninkii kusii dhiiran lahaa in uu taageero. Aniga ahaan waan taageerayaa chelsea ilaa sero c. Ama xitaa ay ka noqoneeso ciyaal xaafadeed. Waan iska sii taageeri doontaa. K.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k. Sorry chelsea is a dead. Abromajic wake up bring us guus hiddink.

  52. cindak Reply

    24-November-2011 at 9:55 am

    LAMAAK KKKK mata+luiz+mereiles ayuu hal mar badalay mikel+alex+muluoda ayunu ku badalay CALAACAL IYO ISDHEXYAAC TAAGEERAYAASHA CIYAARTAWDA IYO TABABARAHA LAMAAK ARSENAL HAL KURSI AAA KAAGA BANAAN LACAG BADAN AA LAGAASIINAA MAXAA YEELAY ENERJI AAD KUDAAWATO CHEALSE WAA LEEDAHAY

  53. Cumar barca and messi Reply

    24-November-2011 at 9:54 am

    Asc waxan salama tagerayasha barce kadib waxa leyahay gul barce away dadki kubotenayay as milan barce kobkan qafka celesa jirin

  54. Imaamka Reply

    24-November-2011 at 9:51 am

    Arsenal weliged
    arsenal ayey ahane
    mida kale kaptanka
    la celin la,yahay
    r.v.p. Van go,al
    wa sanadkisa
    sanadkan hakid
    malahan
    viva Gunners
    viva Real madrid
    golashisa
    v

  55. I Reply

    24-November-2011 at 9:45 am

    Arsenal waa timka ogu qatarsan england lkn viva ma arkan way xaqiraysa waxan leyahay yanaga celinkaro championkan anaga aya leh viva arsenal and robin van parsie

  56. dr.Cannaa cadde macqulsome Reply

    24-November-2011 at 9:44 am

    waad slmnthn dhaman bahda sports iyo waliba wapkena magaca iyo mamusta leh e sanad jirsaday waxan lehay sanad guro wcn hadan inta oga gudbo koxaha usobaxay werga 16ad e championka sida nadiga Arsenal iyo lever an epeol runti waa Arin farxad leh hadii ay sharafta england an anaga horkacayno hadii anahay tagerashaya Arsenal wad salamantihin dhaman by

  57. cindak Reply

    24-November-2011 at 9:44 am

    ARSENAL WAXAY HESHAY BAAKOOR AY CUGSATO BALANTEENU WAA 3CUP INTAAN KA QAADEENO BAAKOORTA NAGAJABI MEESO TAAGEERA YAASHA MAN UNTD CHEALSA AAMUSNAANAA IN KA SOOO HARTAY AAWAY DADKII NAGU DHIBI JIRAY LAACIB.NETCUQDADA INKA BIXI MEESO

  58. Mandeq Reply

    24-November-2011 at 9:42 am

    Barce xalay waxa latusay awodeda inta ay la ektahay lakin golki van bomel iyo ki rikorada aya iga badiyey
    pol posishanka waxa u kala ah 62_67 tas waxa ay ku tusaysa in barca la tumi karo
    lakin madama u ibrahimovic gool ka dhaliyey barca waan u qapa in laga padiyo ac milan
    gul man utd

  59. Los Blancos Fan Reply

    24-November-2011 at 9:38 am

    Asc Dhmn Dhalinta Sportska Jecel Sln Kadib:

    Sanadkaan Champions League Sheeko Ila Qosol Ah Ayaa Ka Socota, Chelsea Oo La Garaacay, Man City Oo La Garaacay, Man Utd Oo Draw Ku Gashay Old Trafford, kkkkk Meesha Ma Waxay Moodeen Premier League Oo Westham & Birmingham Lala Cayaarayo Kkkkk.
    Waxaan U Hambalyeynayaa Dhmn Taageerayaasha Arsenal & Kooxda The Gunners Oo Runti Muujisay Ciyaar Wanaag, Soona Bandhigtay Inay Tahay Koox Qatarteeda Leh, Ayagoo Uga Mhd Celinaya Weeraryahanka Ay U Saaran Tahay Ee Reer Holland Robin Van Persie.

    Dhanka Kalena Kulankii Adkaa Ee Ac Milan Vs Catalonia Team, Wuxuu Ahaa Kulan Aad U Adag, Oo Xiiso Iyo Xamaasad Ximbaarsanaa, Ilaa Uu Guusha U Xaqiijiyo Mashiinkooda Qadka Dhexe Xavi Hernandez, Barcelona Waxaa La Dhihi Karaa Weey Daafacan Kartaa Champions League.
    Fifa Los Blancos.
    Fifa Kaptan Khaliif.

  60. Khalito Reply

    24-November-2011 at 9:38 am

    Asc dhamaan akhyaarta laacib.net kkk aaway kooxihi EPL ku dhamaan waxayka ciyaari doonan uefa ha marka laga reebo asenal iyadana waxay ku hari doontaa 16 ka masidaas ayuu EPL ku yahay leageu ga dunida ugu wanaagsan kkk cup ka waxaa is le real madrid VIVA REALMADRID,KAKA,OZIL,cr7

  61. Lamaak jijigawi Reply

    24-November-2011 at 9:30 am

    Sorry hadii anu nahay chelsea fans man c man u ayaanu laqabnaa waayo ayaguba wali maysan soo bixin
    insha alaah valenciana home kayaga wanu ku garaaci doonaa
    mata+luiz+mereiles ayuu hal mar badalay mikel+alex+muluoda ayunu ku badalay markaasaa labo gool ay kentay kooxdan liverkuzen
    salan asxabta
    c.qani vidic
    omer utd
    ahmed cærirck
    abtidoon
    kaptan kalif
    samir maqulsome
    qadar barca
    j.tii means j.terry
    all dhamaantiin

  62. Suldan zawari Reply

    24-November-2011 at 9:26 am

    Waaaaaaw arsenal wan kafilayay guushan waa koxdi ugu horeysay oo english ah oo uso baxda warega 16 championska

  63. Cali nuur Reply

    24-November-2011 at 9:25 am

    Wad salaman tihen dhaman bahda sportiga and wepka isku xirka dhalinta laacib.net, koxaha kasocda england waxey ku egyihen warega 8da kuwa italy warega 4ad waxi kadanbeya spain aya isugu so haridona cupka thnx all and viva real madrid

  64. ABDIRIZAQ BARCA 5 Reply

    24-November-2011 at 9:19 am

    salaan sare kadib aawaya dadkii barca ubootaynayay saasookalaa loogutumanaa real gurigeeda viva barca viva misi hoos real and mooryaniyo hoos m untd .

  65. arsenal Reply

    24-November-2011 at 9:17 am

    arsenal wey sobaxday midakale chealse iyo mancity weyka harayan uefa midakale wanku farax sanahay iney sobaxdo arsenal viva champerlen arteta iyo aniga

  66. koronto nin culus Reply

    24-November-2011 at 9:11 am

    barca iyada mar walba refreega ayaa uhiiliya why ay kudhacday taas Bal eeg rigooradii aquilani waxaas rigoora maahan albiitarayaasha xaraarad ayaa qabata markey arkaan barcelona oo lasaaranyahay xaalada in wax laga badalo waaye iBra xalay sidii laga rabay ayuu uciyaarar balantii uu galay wuu kasoo baxay waxeyna eheed inuu gool kadhalinaayo meeshuu ku arko barcelona oo aysan joogin difaac celiya lkn nasiib xumo barcelona ciyaar aysan shaqeesan ayeey badiyeen sorry lkn hadiiba barca ay fara cidi leh nooga baxsatay yaa is hortaagi karo ac milan waayahee iisheega bal ileen kooxdii ladhahaayay waa ugu fiicantahay hadiiba ay nasiib iyo qalad dhanka van bommel kayimaada lagu badinaayo maxaa loo dhahay waa kooxda aduunka ugu adag suaashaas iiga jawaaba ileen horay ayee u eheed qalad in lalabar bardhigo kooxdii arrico sacchi ac milantii 1987-1994

  67. Bile Reply

    24-November-2011 at 9:09 am

    Asc salan kadib sanadkan naadiyad engaln way kataa laa waxan umaleynayaa iney saan uhari doonan england by

  68. Mahad Reply

    24-November-2011 at 9:08 am

    Asc all dhaati kulumada xalay waxa ey ahaxen kulumo xasasi ah kulanka barc iyo milan runti bac wey uqalanta gusha hadan kahadlo koxa ingriska arsenal kaliya aya sox bixi donta sadaxada kale ilamaha in sadaxdoda ey sow wada bixi dona kalow kobkan waxa iskaleh nadiga boqorka madrid alosa kaka

  69. Maxamed yaasir Reply

    24-November-2011 at 9:04 am

    Wanfilayay in barca ay badinayso viva barca leo messi and arsenal van peirse

  70. Kulmiye gunners Reply

    24-November-2011 at 9:00 am

    Arsenal sanadkan wa sanadkeena yaana ceelinay awood ayan ulenahay inaan qaadno uefa champions league viva gunner.s

  71. adem osman Reply

    24-November-2011 at 9:00 am

    waan ku faraxsanahay inaan noqono kooxdii ingiriiska ugusoo hor baxday tnks vanpersi viva arsenal

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>