Cesare Prandelli: Balotelli Waa Inuu Sii Wadaa In Wax Walba Oo UU Taabto Ay Dahab Isku Bedelaan. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Cesare Prandelli: Balotelli Waa Inuu Sii Wadaa In Wax Walba Oo UU Taabto Ay Dahab Isku Bedelaan.

Cesare Prandelli: Balotelli Waa Inuu Sii Wadaa In Wax Walba Oo UU Taabto Ay Dahab Isku Bedelaan.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 13-11-11 2:53 AM

\"\"

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga Cesare Prandelli ayaa ugu baaqay Mario Balotelli inuu sii wado qaab ciyaareedkiisa qatarta ah ka dib markii uu guul ku hogaamiyay xulka Talyaaniga habeenkii jimcaha oo ay 2-0 kaga badiyeen xulka Poland.

Balotelli oo 21 jir ah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee madow ah oo gool u dhaliya qaranka Azzurri, sidoo kalena goolkaasi waxa uu ahaa kiisii ugu horeeyay ee xulka qaranka.

Weeraryahanka Manchester City ayaa buuxinayay booskii Antonio Cassano. Ka hor inta uusa kulan bilaaban Balotelli waxa uu sheegay inuu qaadayo mas\’uuliyada xulka, waana uu ka soo baxay balantiisii.

Haatan, Prandelli ayaa aaminsan in weeraryahanka uu sii wadi karo inuu mustaqbal wacan ku yeesho Azzurri.

\”Aad ayaan ugu faraxansanahay Balotelli, ka dib dhaaleeceyn badan oo uu helay dhaawanahan, waa ku saxan yahay inuu xilligan kubadiisa ku riyaaqo\” ayuu Prandelli u sheegay suxufiyiinta.

\”Waxa uu leeyahay fahamka uu ku sii wadi karo in wax walba uu taabto ay isku bedelaan dahab\”

\”Waa tayada Mario inuu sidaasi u ciyaaro, isagoo ciyaarta oo dhan dabeecad wanaagsan la soo baxay\”

\”Waa waxa aan mar walba isaga weydiisan jirnay, waxaana doonayaa inaan arintan uga mahadceliyo tababaraha Manchester City Roberto Mancini\”

\”Balotelli waxa uu na tusay waxyaabo waa weyn jimcihii. Waa uu weynaaday waana ku faraxsanahay inuu wadadan qaado\”

\”Italy waxa ay mar walba laheyd weeraryahano waa weyn. Balotelli waa weeraryahan casri ah oo yaqaana sida kubada cagta loo ciyaaro\”

\”Kaliya gooldhaliye ma ahan, lakiin ciyaarta ayuu abuuraa\”

Italy ayaa habeenka talaadada la ciyaari doonta xulka kacsan ee Uruguay, kulan kale oo saaxiibtinimo oo ka dhici doonta Stadio Olimpico ee magaalada Rome.

 

9 Responses to Cesare Prandelli: Balotelli Waa Inuu Sii Wadaa In Wax Walba Oo UU Taabto Ay Dahab Isku Bedelaan.

  1. Najiib cade Reply

    15-November-2011 at 2:38 am

    Italy cadi ma ahan caqli wey dhameyen ninkan boloteli ladhahayo dabecad iyo dadnimo malahan lkn waxa kujirto farsamo aan cadi aheyn marka wexey raban in farsamadas ayey kuarken mahane wax madow kadheceb majiran talyaniga wacunsuriyad

  2. sdsfsd Reply

    14-November-2011 at 5:31 pm

    waar waa cawaan ninkaani kuwa qaaqawan ee duurka ku jira waxba ma dhaamo kani ada faaninaysan mida kale waa ciyaal

  3. C/karin maxa'ed ali Reply

    14-November-2011 at 9:36 am

    Viva italy viva azuri

  4. Qaasim Totti Reply

    13-November-2011 at 1:18 pm

    Fariiin digniin Ah Oo Ku socoto Xulka Uruguay Waxaan Leenahay soo dhawaada Kusoo dhawaada Masraxa Olypico ee Magaaalada Roma Intaas Kadib Kuso Tala Gala In Aad Fadeexo Kala Noqon doontaaan Magaaalada Roma Iyo ciiida Talyaaniga Waxaana Sedexleey Idiinka dhalin doono Wiiilka Kacsan Ee Bablo daniel Osvoldo hhhh

  5. Imaam c/naasir Reply

    13-November-2011 at 11:06 am

    Asc dhaman bahda kubada cagta maal mahan walaga yaaban yahay xulka italy waxana loga bartay walisha badramay in ey baadilka ka ilaa liyaan xulka italy waxaa la dhihi karaa euro 2012 waxan aamin sanahay in uragay si fudud looga guulesan doono

  6. swtluver786 Reply

    13-November-2011 at 7:02 am

    asc wr. Dhaman bahda sportga e laacib.net and asxabta ku xiran. Waxa layiri hadal badan haan mabuxshe. Cayar wa gelin dambe, midki boteyana hadawa garon weyn wa diyar. Both teams r hot.

  7. Zakariya m.isak Reply

    13-November-2011 at 6:23 am

    Inkastoo ay urugway ay xirfado ciyaar leedahay, anagana hadaan talyaani nahay kama yareysano balanteenu wa olombique stadium

  8. maanoos osoble Reply

    13-November-2011 at 3:42 am

    nice ayaan lee yahay balotelli waxaan jeclahay hadii uu sidaan ku sii wado kubadda cagta in uu mustaqbal wanagsan ka gaari doono noloshiisa.

  9. Qurux Reply

    13-November-2011 at 3:28 am

    Asc dhaman musliminta oo idil qasatan somalida kuxiran laacib.net sln kadib mario wa ciyaryahan cajiib ah lkn walaka cajiibsanyahay waxa ka cajiibsan xidika luis suarez wad arakten xulkiisa herkuu karsiiyay iyo nadika reads waxa uu uqabtay marka hadu ilahay yirahdo kulanka habenka taladada sokalayo inay badineso uruagay

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>