Tababare Ballardini Oo Mar Kale Noqday Macalinka Kooxda Cagliari. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Tababare Ballardini Oo Mar Kale Noqday Macalinka Kooxda Cagliari.

Tababare Ballardini Oo Mar Kale Noqday Macalinka Kooxda Cagliari.

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 9-11-11 11:39 PM

\"\"

Davide Ballardini ayaa markii saddexaad  noqonaya macalinka naadiga Cagliari, oo ka mid ah kooxaha ka ciyaara tartanka horyaalka Talyaaniga ee Serie Ada, sida ay shaacisey kooxda Cagliari.

Ballardini ayaa noqonaya macalinkii saddexaad ee kooxdan leyliya sanadkan.

Tababarahan oo 47 jir ah ayaa bedelaya macalinkii hore ee kooxda Caglieri Massimo Ficcadenti oo iyadoo aan la fileyn laga eryey kooxda isagoo inkayar muddo saddex bilood ah uu leylinayay kooxda iyadoo kooxdana ay haatan ku jirto kaalinta 10aad kala horeynta kooxaha horyaalka Talyaaniga.

Kooxdan Sardinianta ayaa sidoo kale erisey   Roberto Donadoni bishii  August labo toddobaad kahor markii uu bilowday xilli ciyaareedkan.

Hase yeeshee Ballardini ayaa muddo saddex bilood ah leylinayay naadiga  Cagliari sanadkii  2005.

Si kasta ha ahaatee Ballardini wuxuu dib ugu soo laabtay kooxda bartamihii xilli ciyaareedkii 2007-2008dii iyadoo markaa kooxdu ahayd tan ugu hooseysa dhinaca kala horeynta kooxaha waxaana uu geeyey macalinkan xilligaa kooxda meel aysan dib ugu laabanayn naadiyada heerka labaad.

Ballardini waxa uu hore u soo leyliyey naadiyada   Palermo, Genoa iyo Lazio.

Ficcadenti ayaa noqday macalinkii toddobaad ee xilli ciyaareedkan laga eryo naadiyada ka ciyaar Serie Ada waana macalinkii labaad ee toddobaadkan iyadoo toddobaadkana kooxda Fiorentina ay iska eridey macalinkeedii Sinisa Mihajlovic.

Kooxaha   Palermo, Inter Milan, Bologna iyo Cesena ayaa ka mid ah kooxaha tababarayaashooda bedelay xilli ciyaareedkan.

 

3 Responses to Tababare Ballardini Oo Mar Kale Noqday Macalinka Kooxda Cagliari.

  1. Mr'kaatibi Reply

    10-November-2011 at 12:34 pm

    Waa tijaaba uun balse guul ayaan urajeenaynaa hadaa nahay difosayaasha seriA da

  2. Wiilka Yaranka Bakaaro Reply

    10-November-2011 at 1:10 am

    Macalinkaan Waa Macalin Qibarad Leh waxaana Isleeyahay Isagaa ka qibrad Badan Roberto donadoni

  3. xidig Reply

    10-November-2011 at 12:11 am

    meel donadoni ka tagey barandeli wax maku haayo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>