Ka Dib Wax Walba Oo Uu Sameeyay Mario Balotelli Waxa Uu kaga Jawaabay : Ma Waalni. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Ka Dib Wax Walba Oo Uu Sameeyay Mario Balotelli Waxa Uu kaga Jawaabay : Ma Waalni.

Ka Dib Wax Walba Oo Uu Sameeyay Mario Balotelli Waxa Uu kaga Jawaabay : Ma Waalni.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 9-11-11 8:26 PM

 

Ciyaaryahan Mario Balotelli ayaa sheegay inuusan waalneyn, inkastoo uu ka warqabo inuu sameeyo waxyaabo qariib ah waqti ka waqti.

Weeraryahanka Manchester City ayaa dhawaan ay qasab ku noqotay inuu ka qaxo gurigiisa ka dib markii buleer laga riday suuligiisa dhexdiisa taasoo dhalisay dab. Isla todobaadkaas waxa uu labo gool ku dhaliyay Old Trafford markii ay Man City 6-1 ku xaaqday United, waxaana uu kula dabaaldegay funaanad ay ku qoran tahay hal ku dhiga \’why always me?\’

Balotelli ayaa sidoo kale dhawaan waxaa su\’aalo weydiisay maxkamada Naples oo la xiriirta inuu marqaati fur ku sameeyo Mafio Talyaani ah, isagoo mar fasax ku tagay halkaas.

\"LooksIsagoo ka hadlayay xarunta tababarka ee Italy, 21 jirkaasi waa wax laga weydiiyay sababta uu markasta u saaran yahay bogaga hore ee wargeysyada.\”Markii aad tahay qof caan ah, waxaa imaaneysa in inbadan laga hadlo noloshaada qaaska ah oo la iska ilaawo howsha aad ku qabato garoonka dhexdiisa, waa wax iska caadi ah lakiin waa ay i dhibtaa\”\’Lakiin ma waalni, inkastoo aan mararka qaar sameeyo waxyaabo qariib ah oo loo qaadan karo kaftan iyo maaweelo\”\"Game

Balotelli (dhexda) waxa uu ka qosolsiinayaa asxaabtiisa xulka Italy.

\"Putting
Iyadoo Antonio Cassano iyo Giuseppe Rossi ayaa labadoodaba dhaawacyo muddo dheer ku maqan yihiin, xulka Talyaaniga waxa uu ciyaarahan saaxiibtinimo ee Poland iyo Uruguay ay ku tashanayaan ciyaaryahan Mario Balotelli.

Balotelli ayaa shan gool oo Premier League ah u dhaliyay kooxda hogaanka heysa xilli ciyaareedkan, lakiin wax gool ah uma uusan dhalin shan kulan oo uu Italy u saftay.

\”Waxaan u baahanay inaan jiifka ka kaco\” ayuu yiri.

\”Aniga ahaan inaan gool dhaliyo wax weyn ayay ii tahay. Guusha lafteeda waa muhim sidoo kalena goolasha waa muhim\”

\”Waan ogahay halka ugu sareysa waan gaari karaa. Hadii aan ku fiicanahay afka hore micnaheeda mahan inaan nasiiblow ahay\”

\”Waxaan rumeysanahay inaan ku dhawaan karo heerkii ay gaareen ciyaartoyda kale ee koobabka qaaday, lakiin shaqo badan ayaa i hortaala\”

\"Time

Waxa uu intaas ku daray : \”Mar walba cadaadis waan heystaa lakiin ma dareemo, tababaraha wax badan ayuu iga filnayaa xitaa hadii Rossi iyo Cassano ay xulka ku jiraan\”

\”Dhamaanteen aad ayaan u xooganahay, mustaqbalka waxaan dhamaanteen geli doonaa buuga taariikhda\”

Wiilka uu dhalay aabaha reer Ghana, ayaa inta badan hadalo cunsuriyad ah la kulmi jiray markii uu joogay Inter, inkastoo uu ku dhashay islamarkaana ku barbaaray Italy.

\"In

\”Cunsuriyada waa jaahilnimo. Waxaan kaliya oo aan rajeyn karaa in waxyaabaha qaar aysan mar kale dhicin\” ayuu yiri Balotelli isagoo intaas ku daray inuusan shalaay ka qabin ka tagistii uu ka tagay Serie A.

\”Uma aanan xiisin Serie A, waxaan ku faraxsanahay inaan England joogo, kubada cagta Italy hoos ayay u sii dhaceysaa\”

\”Premier League waa uu qurux badan yahay, waxaana u ciyaara kooxda ugu awooda weyn England\”

\”Waxaan ku sii negaan doonaa CIty. Ma arko anigoo mustaqbalka ku laabanaya Italy\”

 

28 Responses to Ka Dib Wax Walba Oo Uu Sameeyay Mario Balotelli Waxa Uu kaga Jawaabay : Ma Waalni.

  1. Amal.Lucky Reply

    12-November-2011 at 12:53 am

    L0o0lz super man mario baloteli lacib ayad tahay runti teda kale kibir ad kusi darsatay wad kawadata kibirkaga anku heysta ha u jojin saxafada cantara paqashkoda Ada kuleh mustaqbalkagana hasi horomaro viva mario

  2. Tootoole Reply

    11-November-2011 at 10:25 pm

    mario ma ahan laacib laacib waa kan kaciyaara seri A ha imaado seri A markaas wacdaro haka dhigo seri A markaas ayaa libaax la oran karaa

  3. s.torres Reply

    11-November-2011 at 9:25 pm

    waa runtiis sababtoo ah waa laacib aan la ogayn oo hada raba in uu soo shacbaxo marka maxaa udiidaya in uu shaashadaha aduunka galo miyeysan ahay sxbayaal

  4. silva Reply

    10-November-2011 at 2:54 pm

    magaca lazio ninka wato waan ka xumahay fikradahaaga mar walba oon arko fudeyd ayaa ka buuxa horyaalka england waa kan ugu xiisaha badan yurub waana horyaal eey ku dagaalamayaan kooxo waa weyn oo tiro badan balotelina waa laacib runtii binji aan meel ka galeyn

  5. Mr'kaatibi Reply

    10-November-2011 at 12:43 pm

    Inta klae haku saxnaado balse waxuu ku qaldanyahay inuu dhaho waxaa hoosd udhacay geesiyada seriA da taa waa uu ku qaldanyahay

    • maxmed cusman tootoole Reply

      11-November-2011 at 10:16 pm

      aad oo weyn ayaan uga xumahay in balotelli uu wax kasheego seri A da maxaa yelay aragti la arko balotelli waa mesha lagu arkay seri A da marka taas waa uu ku qaldan yahay seri A da waa hor yaalka aduunka waa niga fik radeyda asxaabey hor yaal majirin seri A da ma ahee

  6. mustaphe cesco Reply

    10-November-2011 at 11:56 am

    mario horta uu dabeecad xunyahay marka laga hadlayo runta.laakiin dabeecada illaahay yaa dadka siiya why always me waxaa uu kawadaa maxaa aniga badanaa lay fiiriyaa.saxaafadu.waxaana waxaas oodhan ugu wacan waxaanu lakorin yaraantiisii caruur badan.that is why uu u yahay agresive xanaaqbadan…………..

  7. Boolo Reply

    10-November-2011 at 11:31 am

    Wax walba oo aan ku tilmaano yaa naga dhageysanay asxaabeey sidaas darteed yaanaan isku mashquulin waa gaal wuxuu rabo sameynaayo waana wax iska caadi ah ineey saas u dhaqmaan dadka aan iimaanka laheyn

  8. kaka Reply

    10-November-2011 at 11:20 am

    why al weys me berche semper io sabaab markasto aniga

  9. lazio Reply

    10-November-2011 at 10:43 am

    waa runtiis coz talyaani banooni adag alaga dheela laacib wuka noqon wayey binji uka ahaaa Seria A hada meel uu laacib kayahay la buun buuninayo u imaadey baashal balo

  10. xarbi cadde Reply

    10-November-2011 at 2:33 am

    waa faataale marka haiska baashalo wuxu jecelyahay in markasto laga hadlo sidaas ayuu kudadaalaa wuxuuna kuheesta saxaafada in eey isaga kahadasho

  11. saalaxlaki Reply

    09-November-2011 at 11:43 pm

    bolotelli waxaan shaki ku jirin inuu yahay ciyaartoy balse waa duqun waxaa fiican inosan mustaqbalkisa ilowin maxaa yelay waan araknay ciyaaryahan al x’diof kkkkk heerka hoos u dhaca gaaray waxaa gaarsiyay anshax xumadiisa marka ciyaaryahan bolotelli waxba ma dhaamo x.diof inta la jecel yahay haka faaidesto hadii kale p.leagua ‘ ciyaar ciyaar ma taalo woxo maraa wadadii x.haji diof oo horay u xaaray ….. Yaan le arkin inaan ahay taagero man utd ,,aniga wan jeclahay midibka madowga

  12. Arshavin Reply

    09-November-2011 at 11:20 pm

    Asc war tas mahan inatahay laacibka man city waka warsugena mario adi kabtan ka arsenal

  13. Calan cal Reply

    09-November-2011 at 11:12 pm

    Wy al wys me af somaligeda wa maxay walalayal

  14. Meesi Reply

    09-November-2011 at 11:08 pm

    Nin culus libax iska celi ayanku leyahay cad cadka

  15. saciid yare Reply

    09-November-2011 at 10:59 pm

    asc kartida waa lodhashaa ninkan wuu udhashay kartida anigana waan laqabaa in uu iska dhacsho

  16. al xaji liverpool Reply

    09-November-2011 at 10:26 pm

    waa nin libaax ah oo waxuu rabuu sameyaa oo wanaag ama xaaaq ah qofka wax cugdad ah uma qaado waaa nin culus ayaan leyahay mario saas ayaan kaa rabaa marne iska waabi galaada cadcad marne la heshiii waa dabeecad lagaga cabsanaayo by asxabeey

  17. Suurta kal Reply

    09-November-2011 at 10:25 pm

    Ninkan ma naxo lakin marka lafiriyo waxa moo daa inuu waa walnan jiray sababto ah xushumad malahan tuukadana wuu la shaqeeya ,aniga.ouk

    • mustaphe cesco Reply

      10-November-2011 at 11:51 am

      mario bulotteli waxaa uu uga jeedaa why always me.maxaa aniga saxaafada aduunku ii soo wada eegaysaa mcnaha ii falan qaysaa had iyo jeer.lakiin mario waa ciyaartoy aan la korin caruur badan that is why uu badanaa uxanaaqaa waanu cadho badan yahay badanaa.

  18. dahir maxamd Reply

    09-November-2011 at 10:07 pm

    waa rageedi badboy

  19. zabaleta Reply

    09-November-2011 at 9:50 pm

    geesi buuxa caadi ma aha waxaw rabo ayu fakerkisa ku cabiraa madow xoreeye kkkk

  20. prince Reply

    09-November-2011 at 9:35 pm

    mario caadi mahan ciyariyahanka rer italia

  21. Cali sicid ilmi/caliculays Reply

    09-November-2011 at 9:06 pm

    Cadi ma ahan super mario wa nin fantastic ah runti hadi la cayo iyo hadi kalaba uma jixinjixo

  22. mohaa Reply

    09-November-2011 at 9:04 pm

    waaw balotelli waa nin karti leh wuu sameen karaa wax walba xumaan ama samaan

  23. Asad man united Reply

    09-November-2011 at 9:02 pm

    Asc dhaman Kkk mario lacagta uu ka helayo city lee hadalkaas ka keenay aan is leeyahay

  24. jaamac dj Reply

    09-November-2011 at 8:55 pm

    In my opinion super mario balloteli waa stupid boy becouse always saxafada waxay kahadashaa bad things uu sameyey mario i dont believe inuu horumar kasamayn karo kubbada inta ay behaviourkisa sidan tahay thanks all my frnds

  25. McFc Reply

    09-November-2011 at 8:53 pm

    NIN GEESIYA… WAA RUNTIIS MUSTAQBALKIISA WAA INUU JOOGA MANCITY

    WHY ALWAYS ME…

  26. Falcao Reply

    09-November-2011 at 8:38 pm

    Wa nin layb leh

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>