Maxkamada Naples ayaa ku xukuntay agaasimihii hore ee kooxda Juventus Luciano Moggi shan sanno iyo afar bilood oo xarig ah ka dib markii lagu helay danbigii ahaa wax isdabamarin ee Calciopoli ka dhalatay.
Maxkamada madaniga ah ayaa ku dhawaaqday maanta go\’aankan ka dhanka ah Luciano Moggi.
Moggi ayaa ku dooday inuusan isaga kaliya aheyn qofkii qalad sameeyay sidoo kalena ay jiraan kooxo kale sida Inter oo iyagana u dhaqmay sidii uu isaga u dhaqmay ee ahaa xiriirkii uu la sameeyay garsoorayaasha.
Inkastoo Moggi lagu xukumay xabsi shan sanno iyo afar bilood ah hadana hal waqti xitaa kuma qaadan doono xabsi gudahiisa marka loo fiiriyo sharciyada Talyaaniga.
Sidoo kale xukunkaan xitaa waa kii ugu horeeyay sidaasi darteed waxaa jiri doona racfaano badan oo ka danbeeya.
Luciano Moggi ayaa qeyb ka aha fadeexadii Calciopoli ee sababtay in Juventus dib loogu celiyo Serie B, islamarkaana laga qaado labadii horyaal ee ay ku guuleysteen 2005tii iyo 2006dii.
Maxkamada madaniga ah ee Naples sidoo kale waxa ay danbi ku heshsy milkiilayaasha Fiorentina Diego iyo Andra Della Valle iyo madaxweynaha Lazio Claudio Lotito oo iyagana lagu xukumay hal sanno iyo seddex bilood oo xarig ah.
Sababaha ka danbeeya xukunkaan waxaa la baahin doonaa muddo sagaashan maalmood gudahood ah, waxaana qareenada Moggi ay sheegteen inay racfaan ka qaadanayaan.
jibaaxe
09-November-2011 at 4:34 pm
HADAAN SOOMAALI NAHAY ASAGAA TALYAANIGU INA BARA QIYAAMADA MAR KAA WAXAN DHIHI LAHAA INAKU AYNU ISU FIIRSANO WAXAYNU SAMAYNAYNO OO HALAY
SA SAXO TAN MAANTA ODAYGAN MOORYAAN BANOONIDA AHNA WAA TALAABO WANAAGSAN VIVA ARSENAL
jibaaxe
09-November-2011 at 4:30 pm
walaahay odayga wejigiisa aa laga kasaa inuu tuug yahay laakiin talyaani oo dhanbaa tuug ah iyo maafiyo asagaana soo maalidu ka
soo baratay qayaanada qudheena ma sahlanin ee halaysu fiirsado
hadaan soomaali nahay
Cabdi milaano
09-November-2011 at 9:53 am
Aniga aad ayaan ugu faraxsanahay in laxukumo ninkaan waaye waannikii dhulka lakalay sumcadii iyo heerkii sare uulahan jiray kubadii cakta talyaniga lovorso italia marka hala xiro asaka kuwa lamida ah
Sadaam Un-lucky Boy
09-November-2011 at 7:58 am
waa xukun wngsn loona baahnaa waqtigaan.
Viva realmadrid nd chelsea
Gargano
09-November-2011 at 7:48 am
Juventusna serie b haloo celiyo markale hadi kale horyalkan waa u dhamatay waxansa layabey tuugaan maxa inter daba dhigey
Cabdinuur cilmi geelle
09-November-2011 at 7:45 am
Luggiona moggi tug ayuu ahaa interna waxba yuku sodarin hana la xukumo 20 year tuga
xayaad
09-November-2011 at 12:55 am
kkkkk talyaani tuug asgaa keenay iyo qayaano bal maxaa ku wata waxaas o dambi ah ceeb badanaa hala xiro viva man u
duceysaneh
09-November-2011 at 12:13 am
waxaan ka yabeey dadka isku tageera dhorka nadi madax xanun u aad keysi badana mida kale talyaniga waxaa aduunka laga sogarey isdaba marin sharcina kama jiro waayo qof xabsi lagu xukumey aan galeen iyaga ka hoor lama arkin realmadrid viva somali elmaan
cumar
08-November-2011 at 11:20 pm
sxb juventus waligeed ayee aheed naadi weyn lkn midkaan ayaa qarkaduuray mogi waa wax waalan viva Arsenal and AC Milan and Barcelona
Hiiraa
08-November-2011 at 11:20 pm
Waxa fiicneedba in shan sano wax kabadan la gu xukumo waayo moggi waxa uu qalad ween ka galay isbortiga aniga waxaan qabaa in loo kordhiyo
Wiilka Yaranka Bakaaro
08-November-2011 at 11:18 pm
Odeygaan Gaaban Ee Bidaarta Dheer Leh Ee Luciano Moggi Mar Hore aaaba Ka shakiyay aniga Indhihiisa Indho Mooryaaneed U Egyihiiin Lolzzz Viva asroma Iga dheh Naadi aaaan aqoon Musuqmaasuq Iyo laaluuush Waleee Asroma Waa Kooxda Kaliya ee Aan Lagu Helin Fadeexada Calcio Poli Mida kale Sidaan cml waxay Kusoo socotaa Naadiga Manchester Utd Walee Serie C In Loo celinaayo Midaas Meel Iga qora aniga Lolzzz
Najiib cade
08-November-2011 at 11:17 pm
Waa horamar ficin iyo is nadiifin lagu sameynayo horyaalka seria A marka waxan rajeyneyna in horyaalka talyaniga sidiisi hore kusoo laaban doono
saciid inzaghi
08-November-2011 at 11:08 pm
xalal iyo cayar wax halagu qato mamusmasuqa naga dayaa rer talyani