Xulka France ayaa si naf la caari ah ugu soo baxday ciyaaraha kama danbeysta koobka Euro 2012 ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen kooxda zulka Bosnia, halka Sweden, Denmark, Russia iyo Greece ayaa iyagana u soo baxeeen koobkan.
Group A.
Xulka Jarmalka ayaa ku soo baxay kaalinta kowaad sidaasi darteed iyaga ayaa si rasmi ah u tagaya ciyaaraha kama danbeysta ee Euro 2012, waxaana ay ciyaartoodii ugu danbeysay ee isreebreebka ay ku soo gabgabeeyeen 3-1 oo ay ku garaaceen Belgium.
Natiijadaasi waxaa ka faa\’ideysatay xulka Turkiga oo 1-0 ku garaacay Azerbajan, waxaana Turkiga ay ku dhameysteen kaalinta labaad sidaasi darteed waxa ay ka qeyb geli doonaan kulamada Play Off si ay ugu soo baxaan Euro 2012.
Group B.
Xulka Russia ayaa si toos ah uga qeyb galaya ciyaaraha Euro sannadka danbe ka dib markii ay 6-0 u dhiibeen xulka Andora, xulka Ireland ayaa kaalinta labaad soo galay iyaga ayaana ciyaari doona Play Off si ay u xaqiijiyaan u soo bixitaankooda Euro 2012.
Group C.
Xulka Italy ayaa Groupkaan si toos ah uga soo baxay, waxaana kulankoodii ugu danbeeyay ee isreebreebka ay 3-0 ku xaaqeen xulka Nothern Ireland, waxaa kaalin labaad ku soo baxday oo Play Off ka qeyb galeysa xulka Estonia.
Group D.
Xulka Faransiiska ayaa si ciriir ah ugu soo baxay Euro 2012 iyagoo barbaro 1-1 ah kula galay Paris xulka Bosnia, Bosnia ayaa haatan iyada ka qeyb geli doonta Play Off si ay u xaqiijiyaan u soo bixitaankooda ciyaaraha Euro ee sannadka danbe.
Group E.
Xulka Sweden ayaa si toos ah isna u soo gaaray koobka Euro 2012 ka dib markii ay 3-2 ku dubteen xulka Netherlands. Holland iyada mar hore ayay kaalinta koowaad xaqiijisteen, waxaana Sweden oo labaad ku dhameystay ay ka fogaan doontaa Play Off madaama ay ku soo baxday kooxda ugu natiijo fiican kooxaha kaalinta labaad ku dhameystay.
Group F.
Xulka ku guuleystay koobkan 2004tii ee Greece ayaa si rasmi ah u soo gaaray Euro 2012 markii ay kaalinta kowaad ku dhameysteen Group F, waxaana kaalinta labaad ku soo baxday oo Play Off ciyaari doonta xulka Croatia.
Group G.
Group-kan ciyaarahiisa waa hore ayaa lagu kala baxay England ayaa si rasmi ah ugu gudubtay Euro, waxaana kaalinta labaad soo gashay oo Play Off ciyaareysa xulka Montenegro.
Group H.
Xulka Denmark ayaa iyagana si toos ah ugu soo baxay ciyaaraha kama danbeysta ee Euro 2012, ka dib markii ay 2-1 ku garaceen Portugal oo ay booskaas isku heysteen.
Sidaasi darteed xulka Portugal ayaa haatan labaad ku dhameystay oo ka qeyb galaya ciyaaraha 8da xul ee Play Off.
Group I
Xulka koobkan difaacanaya ee Spain iyaga waa hore ayay soo baxeen waxaana ay ku soo gabagabeeyeen isreebreebka Euro guul 3- 1 oo ay ka gaareen Scotland, kuwasoo rajadooda ay halkaas ku baaba\’day.
Xulka Czech ayaana natiijadaas ka faa\’ideysatay oo ku soo baxday kaalin labaad waxa ay ciyaarayaan Play Off.
Hadaba Xulalka Soo Baxay Waa Sida Tan:
Marti geliyayaasha: Poland iyo Ukraine.
Kuwa Group-kooda Si Toos Ah Uga Soo Baxay: Spain, England, Italy, France, Holland, Sweden, Denmark, Greece, Russia, Germany.
Xulalka Play Off ciyaari doona: Croatia, Czech, Portugal, Estonia, Turkey, Montenegro, Ireland, iyo Bosnia.
8da kooxood ee kaalinta labaad ku dhameystay waxa loo sameyn doonaa isku aad waxaana ka soo bixi doona 4 xul oo ku biiraya 12ka xul ee haatan banaanka yaala.
Xasan faarax
15-October-2011 at 7:09 pm
Koobkan waxaa ku guleysan dono itali ama spian wixii kasohero waa gel caruur qaday
Xasan faarax
15-October-2011 at 7:01 pm
Koobkan waxaa ku guleysan dono itali
Madaale
14-October-2011 at 10:54 pm
Asc dhaman akhyarta musliminta ah bacdu sln hadi an fikirkayga salimka ahi ka dhibto waxan ad oga xumahay gul la anta portugal waxana leyahay dhibato malahan iska samra banoni wa cadan iyo madow, hadi an dhinaca kale ka hadlo kobkan waxa leh german mise espain wadamada kale waxbo yey isdalin. Wana idin salamaya bye.
amiin haaaji warsheekh
13-October-2011 at 12:05 pm
asc dhamaan umada somaliyeed meel walbo ey jogto hadaan ka hadlo rayigeyga waxaa qaadi karo turki waxaana le nahay guu leyso mar walbo
Ozil
12-October-2011 at 9:31 pm
Asc dhaman musliminta mel walbo ey jogan sln kdb cubka waxa iskale turki insha alaah
Ahmedyoung
12-October-2011 at 8:06 pm
Asc dhaman musliminta melkasta oo ad jogtan waxan rajaynayaa wadanka kaliya ee islamka ah ee ciyaraya cupkan waa turkishe inuu kasoo baxo play offka anigu waxan tageraa england haday turkish soo baxdo england ma aqan sxbayal viva turkish goal inshallah
Montello
12-October-2011 at 6:31 pm
Purtugal la’aantewed waa cusbo la’aan inaysoo baxdaan rajeenaa
Khalid cleverley
12-October-2011 at 6:15 pm
Euro 2012 waxaa qaadi doonta Xulka awooda leh ee Turkey waxaana laga qaadi doonaa dalka spain
viva turkey
viva man utd
Arteta boy
12-October-2011 at 4:07 pm
Samir nasri o xalay ku fakanay insha allah turki wey so bixi donta waxa rabtin nagu adiya viva turkia
deeqoow
12-October-2011 at 2:26 pm
asc dhamaan muslimiinta ah kkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaan kuqoslay dadkii dhihi jiray ronaldo waa lacib qaran iyo mid naadi kkkkkkkkk away hada intuu kudanbeeyay balay of uu kadhaman waayay kkkkkkkkk hada kadib waxaan raba qofkii ma xishooda ah oo iila imaandoono waa lacib qaran idhaho wax matarahaas doolada aan walaha nahay ee turkigana waxaan ilaah ugu baryaa in ay soobaxdo koobkana ay kugooleesato aamin yarabi
Abdi Sankus
12-October-2011 at 12:49 pm
Asc wr wb bahda laacibnet iyo walalaha soomaaliyeed hadan kahadlo fikirkeyga ku aadan play offka waxaan jeclaanlaha walalaheyna turkika in ay soo bahaan walalayal aan uduceyno walalahayna muslimiinta ah viva turkey viva ordaga viva antitop
sulub
12-October-2011 at 12:48 pm
waxaa rabaa turkey iney ku guuleysato uaroga sanadkaan.waayo dad na garab taagan hadii aan soomaali nahay bahda laacib.net waxaa ka codsaneynaa iney taageyraan ayagana mahadsanadiin
ladane
12-October-2011 at 12:46 pm
wat agame wallaahi ciyaatii bosnia iyo frans yaa fiirsaday xalay fransiiska ayagoo gurigooda joogo ayaa waxaa loola ciyaaray si aan la qiyaasi karin laacibka samir nasri ayaa bareejo u qal qaaliyey wallaahi frans bosnia xalay ciyaar anan waligey ku arag ayey keeneen
Sucaad
12-October-2011 at 12:18 pm
Asc dhamaan waa salamaantahiin runtii wadankena awal ayuu dhelen marka aniga hadii aa awoodo koobka dhan waxaa gacanta u gelin lahay turkiya wayo wadankeni iyo dadkeni soomaaliya gacan weyn ayee noo fidiyen marka haso baxan tagero weyn u hayn viva turkiya
Abu khaalid
12-October-2011 at 11:42 am
Dhamaan wad slmnthn hadan ka dhibto fikirkeyga waxan jeclan lahaa iney so baxan turkia czach rashia portugal sidan ayan jeclan lahaa
ABDI YARE LFC
12-October-2011 at 11:34 am
Asc dhaman asxabta qasatan tageerayasha lfc dhanka kale xalay wa sigteen portgal oo play off xitaa ma heleen waxa saciday golal oo min 13 dhibic ayey norway wada yesheen marka xulmahan waxas mida kale turkey wa dad walalahen ah lkn mesha wax kuma hayo xalay asoo wadankiisa ku ciyarayo waa laga fiicnaa oo Nadi yar azerbijan ayaa sas u gashay ka waran kox weyn wax mala qeybsan karaa? mida kale czech wax mesha kuma heeso sanadkan naf la caari ayey ku heshay waliba ha u mahad celiso D.Silva mida kale koxaha kacsan awod shegatay wa BOSNIA xalay tii france ku baxsatay wala wada ogaa waxan dhihi karaa waa koxda ugu xogan play off waxa soo raco wa ESTONIA oo meel iska sartay SERBIA waxa soo raaco portgal & montnegro vucinic intaas wa fikirkeygaa wan ku faraxsanahay in vidic uu nala mid noqdo ciyaraha nala dawado mahadsanidiin
mesur ozil
12-October-2011 at 11:09 am
waxaan rajaynayaa inay soo baxaan
1. portugal
2. turkey
3. croatia
4. chezh
sanadkana waxaanu taageeraynaa hadaanu nahay somali oo dhan intooda caqliga badan walaalahayga turkey ee na caawiyay sanakdana wacdaro ayay ka digayanaa saaxiibada nuuri sahin iyo altintop
viva ordegan
viva
Mahad abdi
12-October-2011 at 10:39 am
Wad salamantiin dhamantin bahda sportiga hadan qiyaso figradayda koxa ka so bixi dona ploy ofka waxa ka mid ah 1 porugal 2 czech 3 croati 4 turkey hadi ayaga layku adin ayag dhaxmdoda 4 koxod an so shegay
omar
12-October-2011 at 10:26 am
waxaa soo baxaya Turkey.. Bosnia.. Portugal..croatia
burhan \hasan
12-October-2011 at 10:25 am
waxaan ku jaja waynahay in ay usoo baxaan 4ta xul ee kala ah \
TURKEY, Portugal, Czech, Croatia,
mahadzeeko
12-October-2011 at 10:09 am
waaw euro italy la ga ma xigo holand iyo italy final .italy ayaa ku guu leesan doonto waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw viva italy
jamaal
12-October-2011 at 10:04 am
asc waa sax turki in la taageero taasi waa tii aanbadarka kaga badalanay soo mahan
kabtan khallif macqoslme
12-October-2011 at 9:58 am
Asc Dhamaan Bahda Laacib.net & Dhalinta Ku Xiran Wep-kan Sharafta Leh, Then . Xalay Xulka Portugal Waxaa latusay Kubada Waxey Tahay Iyo In Uusan Magax Waxbo Tareyn Xulka Danmark Wuxuu Muujiyay Kubad Lagu qiimeen Karo Walow Aanan Aamin Saneen Iney Ku Guuleysan Karaan Dhanka Kale Sobixitaanka Xulalka Xaqiijiyay Xalay Waan Soo Dhaweyneynaa Sida France Rushia danmark Swedan & Greece Kuwa Play Off Ka Dheelo Doona Ayanaka Waxaa Urajeyna Kuwooda Ugu Adag Iney Soobaxaan Si Uefa Uero 2012 Uu xiiso Weyn Uyeesho Wadamada aan Isleeyahay Wey Sii Shidi Doonaan Hadey sobaxaan
1 Portugal
2 Croatia
3 Turkey
4 Czech
N,B, Waa Hadii Ay Ayaka Ku Kala Badbaadaan Isku Aadka Ama Qori Tuurka Lasameen Doono Haduu Alle Idmo
Thnks Dhamaaan Asxaabta Kala Duwan
Viva Walaalaha
Is jecel eee
Macqulsome &
Laacib.net
Viva wiilka
Wepka
Ahmed carrick
Dhanto
12-October-2011 at 9:28 am
waxaan salaammaa dhamaan Qorayaasha page caalamiga ah ee laacab.net iyo daalacdayaashaa sharafta leh run aaahaantiii wxaaan idhada laga dadan karin aqooda GAranka PORTUGAL mid malba kiikor dheesa markii labar bardhiso mudooyhiine k horeesay 2000 oo laso baxaayaa car iyo lacibiin kasoo ifbaxeesa lulka qaran butugaal kusi oo u keeni kara najiitooyin lataan karo hase yeeshaan mali kuma guleesan hannkii ay lahaayeen lacibiinta butuggaal
Samir Nasri macqulsome
12-October-2011 at 8:36 am
Asc dhamaan bahda sportiga iyo webka laacib sln qaas ah walaalaha is jcl ee macqulsome kadib. Waxaan aad ugu faraxsanahay soo bixitaanka xulka aan aad u taageero ee france. Tan kale waxaan rajeynayaa in ay soo baxaan wadamada portugal,turkey,czech republic iyo croatia si koobka uu xiiso u yeesho mahadsanidiin inta fikradaha wngsn inta kalana ku dayasho wcn. Soomaaliyeey Nabad
Khalid cleverley
12-October-2011 at 8:01 am
Sxbyaal hadii aynu nahay dhalinyarada soomaaliyeed waa inaan taageero buuxda siinaa Turkiga waayo turkiga waa dalka keliy ee na caawiya viva turkey viva man utd
Khalid cleverley
12-October-2011 at 7:55 am
Play offs ka waxaa soo bixi doona 4ta kooxod ee kala ah
1- turkey
2-portugal
3-bosnia
4-croatia
Zaki Yusuf
12-October-2011 at 7:45 am
ASC. HADAAN NAHAY DHAMAAN DHALINYARADA SOMAALIYEED EE XIISEYSA WAXBARASHADA WAXAN SI U TAAGEEREENAA XULKA AWOODA BADAN EE TURKY, IYAGA AYAANA SOO BIXI KAALINTA 1AAD. BYE-BYE.
C.qani vidic
12-October-2011 at 7:18 am
Waan idin salaamay dhamaan asxaabta sharafta leh ee Laacib.net aqrista iyo shaqaalahaba
Dhab ahaantii waan ka xumahy wixii xalay qabsaday Portugal iyo waliba Serbia Blse Portugal waa soo baxday
Run ahaantii anigu waxaan aaminsanahay iney Play offda ey ka soo baxayaan
PORTUGAL,TURKEY.BOSNIA ,IRELAND REPUBLEC
hadii eysan isku dhicin
Xasuusnow: maalinta 15octobar waa maalinta Guusha iyo farxada iyo dheesha Ee taageerayasha Man utd k k k k k k hahahahahaha
viva All man utd fans
hilaal___joe
12-October-2011 at 6:37 am
Asc dhaman bahda lacib run ahanti wa wax an wada sugaynay natijadan portugal madama ay huren inay so baxan welina an u sadalinayo inay qadan copkan
Ismail wadani
12-October-2011 at 6:35 am
Ceeb badanaye tii ronaldo ehed xulka wxba ma.u qban la.dahay kukukukikikh
hilaal___joe
12-October-2011 at 6:35 am
Asc dhaman bahda lacib run ahanti wa wax an wada sugaynay natijadan portugal madama ay huren inay so baxan welina an u sadalinayo inay qadan
Leozturk
12-October-2011 at 6:22 am
Waxan si aad ah ugu faraxsanahay xulkeyga turkiga oo kafakaday inu play of sogari wayo balse waxan leyahay walalaha Germany thanks ozil mahadsanid wadankaga hoyo xalay waxat lamid ahayd adigo xirna funanada gududka ah ee turkiga sifican ayad yeshay Belgium inta kadib waxa lama ilawan ah goalki xalay u dhaliyay lacibka porsespor Ee Burak Yilmaz waxan amin sanahay insha alah inan kasogud bidono ciyaraha play of xasusnada mclnki xulka qaranka korea 2002 kenay semi finalka ayan wadana gus hidink iyo lataliyihisa ogus cetin thanks bahda lacib lee turkish barawe-somalia
Farhan dhagacde
12-October-2011 at 6:17 am
A.s.c inta nabada jecel portugal rajo ayey ledahay hadan qorta loogalin crotia ama turki amase chek igyaguna wa lamid
Raaxeye
12-October-2011 at 6:17 am
Waxa so bixi dono portugal and turki
Maxamed zisou
12-October-2011 at 6:07 am
Waxaa soo bixi doona for my part turky&portugal iyo cech
Sacid giggs
12-October-2011 at 5:54 am
Asc dhaman aqyarta laacib waxey ila tahay inu so baxayo turkiya &bosniya and bo rtigal and muntanegaro bye
Maas united
12-October-2011 at 5:48 am
Waxa subixi dona portugal crotion turki iyo chech viv manuntd
Santos
12-October-2011 at 5:39 am
Waxa soo bixi doona xulalka bosnia iyo czhech
Hassan
12-October-2011 at 5:23 am
Aniga sida ay ila tahay waxaa play offs ka soo baxaayo
Portugal Croatia, Turkey, iyo Bosnia. Gud luck to them
Hadii aysn isku soo aadin. Salaamat asxaabta oo dhan.
Özèl
12-October-2011 at 5:10 am
Waxa soo bixi doona turky,portugal,czech,montenegro insha’alah viva nurul sahin and all turky fans
evra
12-October-2011 at 4:17 am
asc fikirkayga hadan dhiibto waxaa ka soo bixi doona turki iyo portugal hadii ayaga qoorta la isku galin cml
viva man united
evra
12-October-2011 at 4:16 am
asc fikirkayga hadan dhiibto waxaa ka soo bixi doona turki iyo portugal hadii ayaga qoorta la isku galin cml