Home » Horyaalada » England » 11Ka Ciyaaryahan Ee Ugu Fiicnaa Kulamadii La Ciyaaray Todobaadkan Premier League.

11Ka Ciyaaryahan Ee Ugu Fiicnaa Kulamadii La Ciyaaray Todobaadkan Premier League.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 26-September-2011

\"\"

Iyadoo uu soo dhamaaday todobaadkii lixaad ee horyaalka Ingariiska ayaa inagoo soo xiganeyna Eurosport waxa aan idiin soo gudbineynaa kooxda todobaadkan ugu fiicneyd.

Robin Van Persie ayaa dhaliyay goolkiisii 100aad ee Arsenal, halka Cheik Tiote uu ka caawiyay Newcastle inay kaalinta afaraad horyaalka ka soo galaan.

Goolhaye: Jussi Jaaskelainen (Bolton Wandererers)

Inkastoo Bolton looga badiayy 3-0 kulankii ay Emirates ku ciyaareen, lakiin hadana xaalka intaas waa ka sii xumaan lahaa hadii uusan Jussi Jaaskelainen qaab ciyaareed fiican la soo bixin. Tim Howard ayaa shaqo sidaasi oo kale qabtay markii ay kooxdiisa la ciyaareysay Manchester City, lakiin Jaaskelainen ayaa todobaadkan ku jira kooxda todobaadka.

Daafac Midig: Phil Jones (Manchester United)

Lacagtii ay Manchester United ka bixiysay ciyaaryahanka da\’da yar ayaa waxa ay noqotay lacag ay ku faa\’ideen. Wali lama hubo halka uu booskiisa yahay, lakiin shaki kuma jiro inuu yahay daafac waayahan cusub ah, waxa uu ku raaxeystaa inuu kubada qaato isagoo ka soo riixaya dhinaca danbe kuna biiraya weerarka, waqti dheer ma qaadan doonto in tababare SAF uu Phil Jones u isticmaalo khadka dhexe.

Daafac Dhexe: James Collins (Aston Villa)

Aston Villa waxa ay nasiib u heshay daafac qiimo leh, waxaana James Collins uu leeyahay tayadii uu tababaraha Aston Villa Alex Mcleish lahaan jiray markii uu 1980aadkii u ciyaari jiray kooxda Aberdeen.

Daafac Dhexe: Sylvain Distin (Everton)

Isagoo ka garab ciyaarayay Phil Jagielka, Distin waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay kooxdiisa la ciyaartay City.

Daafac Bidix: Jose Enrique (Liverpool)

Waxa uu si fiican uga soo kabsaday guuldaradii 4-0 ee ka soo gaartay kooxdiisa Tottenham todobaadkii hore, isagoo kooxdiisa ka caawiyay inay seddex dhibcood oo muhim ah ka qaataan kooxda Wolves oo ku soo booqatay Anfield. Waxa uu qeyb ka qaatay goolkii Luis Suarez, waxaana uu u muuqday inuu xaliyay dhibkii Reds ka heysan jiray baalka bidix.

Khad Dhexe: Stewart Downing (Liverpool)

Waxa uu la degay garabka bidix ee kooxda Wolves, waxaana uu ku raaxeysanayay garabkaasi intii ciyaarta socotay oo dhan, waxa uu fure u yahay weerarka kooxda Liverpool, isagoo koroosyo dhowr ah u soo dhigayay Andy Carroll iyo weeraryahanka cajiibka ah Luis Saurez.

Khad Dhexe: Ramires (Chelsea)

Chelsea ayaa waxaa casaan laga siiyay qeybtii hore ciyaaryahan Fernando Torres, lakiin waxa ay welina ku sii badiyeen 4-1. Ciyaartaas wanaagsan waxaa injineer ka ahaa Ramires, kaasoo labo gool dhaliyay islamarkaana guud ahaan ka qeyb qaatay guusha kooxda.

Khad Dhexe: Cheik Tiote (Newcastle United)

Seddexleydii uu Demba Ba’ ka dhaliyay Blackburn ayaa jaraa\’idka qaadatay, lakiin in Newcastle ay soo gaarto booska afaraad ee Premeir League waxa ay uga mahadcelineysaa ciyaaryahankooda khadka dhexe Cheik Tiote, kaasoo si fiican ay isku fahmeen Yohan Cabaye.

Khad Dhexe: Gareth Bale (Tottenham Hotspur)

Tababaraha kooxda Tottenham Harry Redknapp ayaa aaminsan in kooxdiisa ay faa\’ido ugu jirto qaladaadka lagu galayo Gareth Bale. Waxaana kulankii sabtida ee Wigan casaan ku qaatay Steve Gohouri. Waxa uu sidoo kale Gareth Bale dhaliyay gool qurux badan.

Weerar: Robin Van Persie (Arsenal)

Warar soo baxayay saaka ayaa sheegaya in kabtanka Arsenal Van Persie uu hakiyay wadahdalkii uu heshiis cusub ku saxiixi lahaa, lakiin ciyaaryahanka reer Dutch waxa uu sabtidii soo bandhigay sababta ay Arsenal u dooneyso inay heshiiska u kordhiso. Waxa uu dhaliyay labo gool oo qatar ah ka hor inta uusan garoonka ka bixin iyadoo taageerayaasha ay u sarre joogsadeen. Waxa uu noqday ciyaaryahankii 17aad ee Arsenal ee gaara 100 gool.

Weerar: Luis Suarez (Liverpool)

Iyadoo taageerayaasha Liverpool ay u soo wareejiyeen Luis Suarez jaceylkii ay u heyn jireen Fernando Torres ayaa hadana ciyaaryahanka reer Uruguay uu isna ugu abaalgudayaa qaab ciyaareed fiican. Madaalahan ayaa waxa uu Liverpool ka caawiyay inay 2-1 ku garaacaan Wolves.

Yaa ka maqan oo aad isleedahay waa laga tagay? Fekerkaaga inoo sheeg adigoo maanka ku haya in Premier League ay ka ciyaaraan 20 kooxood oo aysan aheyn kaliya 4 koox.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.