Inter Milan Oo Guushii Ugu Horeysay Dhadhamisay Iyo Ranieri Oo Ku Furtay. | Laacib.net
Home » Africa » Inter Milan Oo Guushii Ugu Horeysay Dhadhamisay Iyo Ranieri Oo Ku Furtay.

Inter Milan Oo Guushii Ugu Horeysay Dhadhamisay Iyo Ranieri Oo Ku Furtay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 25-09-11 10:01 PM

\"\"
Kooxda Inter Milan oo beryahan uu xaalkeeda iska xumaa ayaa Guusheeda u horeysay ee Horyaalka Seria A-da heshay, kadib saddexdii kulan ee ay ciyaartay labo ka mid laga badiyay, iyadoo guushan ay muhiimad gaar ah ugu fadhisay Tababaraheeda cusub ee Claudio Ranieri.
Ciyaar xiiso badan oo dhex martay Kooxda Bologna oo ay gurigeeda u safartay ayay Inter ka soo hoysay guul ay aad ugu baahneyd, waxaana qaab ciyaareedkeeda uu ahaa mid aad u sareeyay oo uu is bedel badan ka muuqday.
Goolal ay kala dhaliyeen Pazzini, Lucio iyo Diego Millito oo bedel ku soo galay ayaa Inter u salaxay guusha, hase ahaatee wali Inter imtixaan ayaa sugeysa, gaar ahaan Tababaraheeda cusub oo dhibka ugu culus u yaalo.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Inter si xun ay u gashay kooxda ka timid heerka labaad ee Novara, oo ay ku dirtay 3-gool iyo hal, hase ahaatee guuldaradaas ayay si la mid ah guusheeda u horeysay ugu jawaabtay goolashaas.

Saed Mohamed Balaleti

Follow Me:
TwitterGoogle Plus

11 Responses to Inter Milan Oo Guushii Ugu Horeysay Dhadhamisay Iyo Ranieri Oo Ku Furtay.

  1. Adan Bisbas Reply

    30-September-2011 at 11:29 pm

    Asc baxda laacib.net waad slmantihin inter macalin keeda cusub waa mclin qibrad leh kubada by adan

  2. hassan Reply

    28-September-2011 at 11:26 am

    saaxibayaal hada aa rabaa inaa sports inaa fiirsado ciyaara kooxdee u fiican

  3. hassan Reply

    28-September-2011 at 11:22 am

    kooxda caadi ma ahan

  4. kaahil 9Bkr Reply

    26-September-2011 at 11:28 am

    asc bahda sports laacib salan qaali ah ayaa hawa idin so marina salan ka dib wax lagu farxo waye guusha ugu horeyso inter ay gaarto ileen sadax kulna ay ciyaartay 1 dhibic ayey la so hoyatay kulankii 4 guul ayey ka gaartay macalinkaan cusub waxa aminsanahay in uu wax ween ka qaban doono intar viva inter milan

  5. Sharma'arke axmed cabdule Reply

    26-September-2011 at 11:08 am

    waan idin salaamay dhamaan bahda laacib’net waxaan idinka mahad celinaayaa sida sharafta iyo qiimaha badan ee aad noogu soo tabisaan wargeyskaan qiimaha iyo qaayaha leh oo ay ku xiran yihiin dhamaan bulshada caalamka gaar ahaan baahda isbortiga jacel foorso laacib’net waligiin jira taladeyda waa dulqaad muujiya waxaa tihiin horyaalka wargeysyada caalamka waxaad arkeeysaa shaqsi walba oo isticmaalo intarneedka asaga oo farta ku taabanaayo laacib’net qofka aan wax qaldin wax ma saxo ilove laacib’net foorso inter milaano

  6. madey malaagow Reply

    26-September-2011 at 10:03 am

    kkk inter ada la ada ac i juve aykoreebe ayliki angney kk

  7. Derow Reply

    26-September-2011 at 9:18 am

    Aad ayay ugu mahadsanyahin bahda laacib.net bandhigoda cajiibka ah runti waa koox dhalinyaro ah dadalkodana bananka uu yaalo waxan dhihi lahaa dadaalkina kordhiya qaladadka yaryarka ahna naga wada sax ogadana hadan bulshada sportska nahay inan idiin ku faano byby…

  8. Dhaysane Reply

    26-September-2011 at 8:05 am

    Walaliyal ninka manta dhan iyo qodob kastapa nagu wareriyey marki ad dhaheyso lacib.net is ka hubsada waxad qoreysin oo ad ledahay golasha golasha ad ku noqnoqeneyso marki manta dhan&qudobkastapa noga waleysid golasha miya ayad quran muday e waxan kudhihi laha sad golka galka uga murantay ayada quranka ugamuran e lacib.net ma mudno in lalamurmo e kafirso sxb dhaman iga rali noqada sxb adna humad ha u arkin wa is ka sheko bye

  9. Max,ed Xuseen Axmed Reply

    26-September-2011 at 6:11 am

    As/c Bahda Laacib Bacda Salaam Waxaan Idinkulatalinlahaa Inaad Iska Hubisaan Waxaad Kuqoreysiin Webka Maxaayeelay Goolasha Man-city Ay Everton Kagabadiyen Uma Aysan Dhalin Silva Iyo Aguero Ee Waxaa Udhaliyey Baloteli Iyo Milner Oo Labaduba Bedel Kusoogalay

  10. matan_CHELSEA Reply

    25-September-2011 at 11:04 pm

    INTER CANOOLAY WAA BADISAY

  11. Giggs Reply

    25-September-2011 at 10:38 pm

    Tabaraha cusub e inter wa macalin qibradleh waxu horay uso layliyay koxo badan o ay chelsea kamid tahay waxan leyahay guul wacan kkkk viva inter

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>